Imran Khan oo ka digay qorshe loogu maleegayo "afduub iyo dil"

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa wajahaya isku-day la doonayo in xabsi loogu taxaabo.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka Pakistan, Imran Khan oo muuqaal soo duubay kuna faafiyey baraha bulshada, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu bixiyo dammaanad ah inuu hortagayo maxkamada.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo hagagayaa iyadoo ay sii socdaan isku dhacyada u dhexeeya taageerayaashiisa siyaasigan jamaahiirta badan iyo ciidamadda booliska ee sharci fulinta.

Maxkamad hoose oo ku taal caasimadda Islamabad ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Khan oo ah inuusan hor imaanin inkastoo dhowr jeer looga yeeray xeer-beegtadda.

Khan oo xilkan laga tuuray sanadkii hore ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah u iibiyay hadiyadaha dowladda intii uu xukunka hayay 2018 ilaa 2022, balse wuu diiday in uu khalad sameeyay.

Go'aan uu uga qaadey in uu hortago maxkamadda ayuu ku sababeeyay in ay jiraan "walaacyo dhanka ammaanka ah oo ku hareereysan maxkamadda maadaama laba weerar ay horey uga dhaceen".

Imran Khan oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacada maanta ah, ayaa sheegay in isku dayga booliisku ay ku doonayeen in ay isaga kusoo qabtaan ay yihiin "riwaayad" ujeedkooda dhabta ahna uu yahay "afduub iyo dil".

"Sida cad sheegashadda 'xarigga' waa ahayd riwaayad kaliya sababtoo ah ujeedada dhabta ah waa afduub iyo dil. Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo mareenada, waxay hadda bilaabeen in ay soo tufaan rasaas nool nool," ayuu yiri.

Xilli uu soo bandhigay rasaas ay adeegsadeen ciidamadda, khan ayaa ku doodey: "Waxaan saxiixay dammaanad fiidnimadii hore, laakiin hay'adda DIG way diiday inay xataa maaweelo. Shaki kuma jiro ujeedkooda mala-awaalka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM