Imran Khan oo lala xiriiriyey dilka qareen dacwad ka gudbiyey

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa waxa uu wajahayaa dagaal sharci oo aad u kulul.

ISLAMABAD, Pakistan - Booliiska Pakistan ayaa si rasmi ah ugu daray magaca Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan liiska dadka lala xiriirinayo dilka ay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay u geysteen qareenkii doonayay in dacwad lagu soo oogo.

Arbacadii, booliisku waxay diiwaan galiyeen kiis "wax ka bedel dil" oo ka dhan ah ra'iisulwasaarihii hore Khan, oo 70 jir ah, kaasoo wajahaya daraasiin eedeeymo tan iyo markii baarlamaanka xilka ka qaadey bishii Abriil ee sannadkii hore.

Khan, oo aan horey loola xiriirin dilka qareenka, ayaa meesha ka saaray dhammaan dacwooyinkii ka dhanka ahaa isaga oo ku tilmaamay kuwa soo abaabuleen dad isaga ka soo horjeeda.

Wallow uusan magacaabin shaqsiyaadkaas, Khan ayaa beeniyay eedeymahaas isagoo raaciyay inuu maanta oo Khamiis ah kasoo muuqan doono maxkamadda si uu dammaanad ugu raadiyo 16 kiis oo kale.

Afhayeenka dowlada Balochistan Babar Khan ayaa sheegay in Khan uu wajihi karo eedeymo rasmi ah hadii iyo marka kiiska dilka uu dhaco maxkamada.

Cabdur Razaq, oo ah qareenka la dilay, ayaa gudbiyay codsi maxkamadeed oo uu ku doonayo in dacwad lagu soo oogo Khan oo lagu eedeeyay inuu kala diray dowladdiisa ka dib mooshinkii kalsooni kala noqoshada.

Razaq oo si weyn mucaarad ugu ahaa Khan ayaa ku sii socday maxkamada Talaadadii markii rag hubeysan oo watay mooto ay ku dileen magaalada Quetta, sida ay booliisku sheegeen.

Wiilka Razaq, Siraj Ahmad, oo sidoo kale ah qareen, ayaa booliiska u sheegay in aabbihii ay dileen rag aan la garaneyn oo ay ula jeedaan "wixii ka dambeeyay ra'iisul wasaarihii hore", sida lagu sheegay warbixin uu booliiska gudbiyay oo ay aragtay Reuters.

Ilaa hadda, ma cadda sida uu u dhacay xiriirka ka dhexeeya dabley aan la garaneyn iyo Khan oo ah ciyaaryahan hore balse siyaasadda Pakistan si weyn uga dhex-muuqdey sanadihii lasoo dhaafay.

Toddobaadkii hore, Khan ayaa damaanad ka helay hal dacwad oo ah argagixisanimo oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa rabshado ka dhan ah militariga oo ay geysteen taageerayaashiisa banaanbaxay markii xabsi loo dhigay 9-kii bishii May kiis musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Trump

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 06:09PM

Madaxweynaha Cusub ee Lubnaan oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare

Lubnaan ayaa waxaa tan iyo bishii Nofeembar 2022 ku shaqeyneysay xukuumad xilgaarsiis ah.

  • Caalamka

    13-01-2025

  • 05:19PM