Imran Khan oo shaaciyey "cidda ka dambeysay" toogashadiisa

Image
Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Pakistan ayaa laga dhaawacay kubka xilli uu ka qeybgalaayey mudaaharaad.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay fagaare ah tan iyo markii la toogtay xilli uu mudaaharaad ka socday magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga curyaamiinta ee cisbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka gestay aysan isku qabsadeen bastooladda.

"Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wayna ka tageen goobta," ayuu hadalkiisa ku daray Imran Khan.

Ra'iisul wasaaraha haatan xilka haya ee Pakistan ayuu si toos ah wuxuu ugu eedeeyay in uu ku lug lahaa "isku-daygan la doonayay in nolosha la igu dhaafiyo balse aanan dhicin".

Dhanka kale, dowladda Pakistana yaan wali ka jawaabin eedeyntan culus ee kasoo yeertey Khan. Balse, waxaa xaqiiqo ah in labada dhinac ay isku-hayaan siyaasadda.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka diiday inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.

Qirasho muuqaal ah oo boolisku sii daayay, nin lagu eedeeyay inuu toogtay ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee Cricket-ka uu dadka marin habaabiyay, isaga oo sheegay in uu "doonayay in uu u dilo" falkaas uu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM

Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 08:48AM