Imran Khan: Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo xilka laga tuuray
ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa wuxuu xilka laga xayuubiyay kadib markii ay xukuumadiisa lumisay codka kalsoonida. Xisbiyadda mucaaradka ayaa kasoo gudbiyay mooshinka kalsooni kala noqoshada, iyadoo saqdii dhexe ee xaley ay dhacday codeynta, waxaana taageeray 174 oo ka mid ah 342 xubnood ee aqalka hoose.
Xilka qaadista mudane Khan ayaa timid ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay sheegtay in uu u dhaqmay si aan waafaqsaneyn dastuurka.
Hogaamiyaha mucaaradka Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Pakistan iyo baarlamaankeeda ay ugu dambeyn ka xoroobeen qalalaasihii halista ahaa isagoona kusoo qoray bartiisa Twitter-ka “Hambalyo Qaranka Pakistaan”.
Todobaaddii lasoo dhaafay ayay sidoo kale mucaaradka keeneen mooshin noocan ah markaas oo Raysal Wasaaraha uu hor istaagay waxa uuna soo jeediyey in baarlamaanka la kala diro.
Mr Khan ayaa noqonaya Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee Pakistaan oo xilka looga qaado mooshin kalsooni kala noqosho ah, waxaana inta badan dhici jirtay in uu iscaliso raysal wasaaraha marka uu la kulmo qalalaaso siyaasadeed.
Waxaa si aad ah loogu xasuustaa markii xilka qabtay in ififaalo badan oo wanaagsan laga muujinaye maamulkiisa, isagoona inta badan loo maleynaye in uu si wanaagsan ku dhameysan doono muddo xileedkiisa balse taas ayaa soo afjarantay habeenimadii Axadda.
Baarlamaanka dalka ayaa maanta oo Isniin ah u codeyn doona ninka badali lahaa Imran Khan, isagoo loo ogolaan doono in uu xilka sii hayo illaa bisha Oktoobar 2023 markaas oo doorashada xigta la qaban doono.
Si kastaba ha ahaatee, Mr Khan ayaa sheegay inuusan aqoonsan doonin dowlad mucaarad ah, isagoo ku andacoonaya in xilka looga qaaday shirqool uu Mareykanka hoggaaminaye maadaama uu diiday in uu Washington kala safto arrimaha ka dhan ah Ruushka iyo Shiinaha.
Wuxuu ku celceliyay in xisbiyada mucaaradka Pakistan ay la shaqeeyaan quwado shisheeye. Xubno ka tirsan xisbigiisa (PTI) ayaa ka baxay hoolka codeynta wax yar ka hor codbixinta bilaaban, iyagoo sidoo kale ku adkaystay in Mr Khan uu dhibane u yahay shirqool caalami ah. Mareykanka ayaa beeniyay dhammaan eedeymahan, waxeyna sheegen in Mr Khan uu waligiis soo bandhigin wax cadeyn ah.
GAROWE ONLINE