In ka badan 130 qof oo ku dhimatay buundo ku duntey Hindiya

Image
Dhacdadan ayaa lasoo tabiyey maalin kadib markii dayactir lagu sameeyay buundadan la dhisay xiligii la dhisay gumeysiga.

NEW DELHI, Hindiya - Tirada dadka ku dhintay burburka buundada hakadka ee gobolka Gujarat ee galbeedka waddanka Hindiya ayaa gaartay 132 ilaa fiidnimadii Axadda, sidda uu sheegay wasiir muhiim ah oo ay soo xigatay saxaafadda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Gujarat Harsh Sanghavi ayaa shaaca ka dhigay in tan horraantii Isniinta ilaa hadda, 132 qof la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen dhacdada.

Mas'uulkan ayaa intaas ku daray in shilkan uu ka dhacay degmada Morbi markii buundada la dhisay xilligii gumeysiga Ingiriiska ay duntay toddobaad uun kaddib markii la dayactiray.

Devendrasinh Jadeja, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dab damiska ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu in howlgalka samata bixinta uu socday xalay ilaa iyo hada.

Telefishinka maxalliga ah ee NDTV oo soo xigtey illo wareedyo ayaa tabiyey fiidnimadii Axadda in ku dhawaad ​​500 oo qof ay ku sugnaayeen buundada markii ay duntay.

Maamulka deegaanka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in howlaha gurmadka ay dardar galiyeen, waxaana sidoo kale gurmadka ka qeyb qaadanaya ciidamada Hindiya.

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi oo qoraal soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa tibaaxay Axadii in sidoo kale uu qadiyadan kala hadlay madaxa ugu sareeya ee Gujarat.

"Wuxuu raadiyay abaabul deg deg ah oo kooxo samatabbixin ah. Wuxuu codsaday in xaalada si dhow oo joogto ah loola socdo, oo uu u fidiyo dhammaan caawinta suurtagalka ah kuwa ay dhibaatadu saameysey," ayuu yiri xafiiska Modi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM