In ka badan 600 toogasho oo sanadkan ka dhacay Mareykanka

Image
Toogashada wadareed waa dhacdo afar qof ama in ka badan lagu dilo, marka laga reebo qofka falka geystay.

WASHINGTON, USA - Toogasho wadareedyada gudaha Maraykanka ayaa sii maraya 26 kaliya tan iyo bilawgii Noofambar, iyada oo ugu dambaysay Sabtidii goob lagu caweeyo oo ku taal Colorado Springs, Colo.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay falkan oo goobta lala beegsadey ay ku kulmaan qaniisiinta, ugu yaraan 18 kale way ku dhaawacmeen, sidda ay sheegayaan wararka hordhaca ah.

Laba bilaabo Axadii oo ahayd maalinta 324-aad ee sanadkan, Mareykanka waxaa ka dhacay ugu yaraan 601 toogasho wadareed ilaa hadda. Tani waxay celcelis ahaan ka dhigan tahay in ka badan 13 todobaadkii.

Tirakoobka oo warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ay hadal-hayaan ayaa waxaa sameeyay Kaydka Rabshadaha Qoriga, oo ah urur xog ururin sameeya kaasoo madax-bannaan.

Baareyaasha ayaa waxay ku qeexday toogashada wadareed dhacdo ay afar qof ama in ka badan lagu toogto ama la dilo, marka laga reebo qofka toogashada geystay.

14-kii Maajo, weerar cunsuri ah oo ka dhacay Buffalo, New York ayaa galaaftey nolosha 10 qof waxaana ku dhaawacmay saddex kale. Waxa ay ahayd toogasho wadareedkii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca gudaha Maraykanka muddo hal todobaad ah.

Toban maalmood ka dib, nin hubaysan ayaa beegsaday fasalka 4aad ee dugsi hoose oo ku yaala Uvalde, Texas, halkaas oo uu ku dilay 21 iyo 17. Warbixino kala duwan ayaa laga faafiyey sababta keentay falkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM