Indonesia: Banaanbax ka dhashay cabsi ku aadan baajin doorasho

Image
Booliska ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha.

JAKARTA, Indonesia - Wararka xanta ah ee sheegaya in Indonesia laga yaabo in ay dib u dhacdo doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay 2024 ayaa sababtay in kumanaan arday ah oo ku nool dalka ay isugu soo baxaan dibadbaxyo Isniintii.

Ardayda ayaa sheegay in dib u dhigista doorashada ay u ogolaanayso madaxweyne Joko Widodo ama Jokowi in uu xafiiska sii joogo wax ka badan laba xilli doorasho.

Madaxweyne Widodo ayaa beeniyay wararka xanta ee la isla dhexmarayo isagoo sheegay in doorashada waqtigeeda ay ku dhici doonto. "Tani waxay u baahan tahay in la macneeyo si aysan u dhicin wararka xanta ah ee dadka isla dhex marayaan ee ah in dowladdu ay isku dayayso inay dib u dhigto doorashada, ama mala-awaal ku saabsan muddo kordhinta madaxweynaha," Widodo ayaa ka sheegay shirka golaha wasiirrada ee diyaarinta doorashada.

Booliska ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku mudaaharaadayey afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ee Jakarta.

Dadka dibadbaxayaasha ayaa intooda badan ka tagay goobta ka dib markii ay la kulmeen siyaasiyiinta oo wacad ku maray in ay ilaalin doonaan dastuurka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta qaar ayaa lagu soo waramayaa inay taageerayaan mudo kordhinta Widodo, iyagoo leh wuxuu u baahan yahay waqti dheeri ah si uu u hagaajiyo dhaqaalaha dalka oo ay si xun uu u saameeyay musiibada COVID-19.

"Waxaan dalbaneynaa in xildhibaanada aysan ku xad-gudbin dastuurka dalka iyagoo wax ka beddelaya, waxaana rabnaa in ay dhagaystaan rabitaanka dadka," ayuu yiri Kaharuddin, oo ah qabanqaabiyaha dibadbaxa.

Muhammad Lutfi oo isna ka mid ahaa dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay madaxda dalka inay ka shaqeynayaan dib u dhigga doorashada. Waqtiga Madaxweynaha ayaa lagu xadiday labo muddo xileed sanadkii 1999-kii, kaas oo ahaa isbadalkii ugu horeeyay ee lagu sameeyo dastuurka dalka.

Xadidka muddo xileedka madaxweynaha ayaa timid hal sano ka dib markii ay dhaceen mudaaharaadyo dimuquraadi doon ahaa kuwaas oo sababay Madaxweynihii xiligaas talada haye, Suharto in uu xilka ka dago isagoo dalka hogaaminayey tobonaan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM