​Indonesian-kii iska xoreeyay Curyaanimo

Image

Achmad Zulkarnain oo u dhashay waddanka Indonesia, ayaa soo jiitay indhaha Caalamka kadib markii uu hormar ka gaaray nolosha isagoo waliba kamid ah dadka aan Libaad koodu dhammaystirnayn.

Achmad oo kasoo jeeda gobolka Banyuwangi ee dalkaas, wuxuu dhashay isagoo aan lahayn Gacmo iyo Lugo, wuxuuna aad uga duwanyahay dadka kale ee caadiga ah muuqaal ahaan, waa nin gaaban hadana sameeyay waxyaabo badan oo aysan awoodin inay qabtaan dad badan oo laxaad leh.

Ninkan oo saaxiibadiis ugu yeeraan Dzoel, wuxuu sheegay inuu isu arkayay qof lamid ah bulshada wixii ka horeeyay 8 sano jirkiisii, markaas oo carruurta iskuulka la dhiganaysay ay bilaabeen inay yasaan oo ay ku naaneysaan Curyaan.

"Muraayad weyn ayaan isku fiiriyay. Waqtigaas waxay ahayd markii aan yaqiinsaday inaan ka duwanahay qof kasta oo dunidan ku nool." Sidaas waxaa yiri Dzoel oo la hadlayay Warbaahinta Al Jazeera.

Tallaabadaas waxay keentay inuu niyad Jabo Dzoel oo uu ka haro Iskuulka, balse dedaal iyo niyad dhis badan oo ay u sameeyeen asxaabtiisa iyo Qoyskiisa wuxuu dib ugu laabtay waxbarashadiisa ilaa uu ka baxay dugsiga sare isagoo markii dambe samaysto xarun laga isticmaalo Internet-ka.

"Halkan waxaa laga helayay adeegyo la xariira Sawir qaadista. Waxaa go'aansaday inaan amaah kusoo iibsado Camerooyin, Waan bartay, waan bartay, waan bartay ilaa aan ka noqday Sawir Qaade," Ayuu yiri Achmad Zulkarnain.

Rajadii Achmad, waxay isu badashay mid Saraysa wuxuuna noqday sawir qaade caalami ah kaasoo la xiiseeyo gacantiisa, wuxuu helay taageerayaal badan oo uu ku leeyahay bartiisa Instagram-ka, dadka ku xiran waxay daneeyaa sawirrada uu ka qaado meelaha quruxda badan iyo fashion-ka, ilaa uu markii dambe ka helay macaamiil ku taxan oo uga yeerta xafladaha Aroosyada iyo kuwa iskuulaadka.

Ninkan wuxuu hadda si mutadawacnimo ah uga shaqeeya urur Dhalinyaro, isagoo dadka bara Camerada iyo qaabka loogu shaqaysto xirfadda Photoshop-ka.

Dzoel maanta waa 24 jir cid uu ku tiirsanyahay ma jiro, wuxuuna noloshiisa u diyaariyay isku filnaansho, isagoo ku socday gaari yar oo u qaabaystay inuu ku shaqaysto kuna soo qabsado danihiisa. Saaxiibadii way caawiyaan gaar ahaan waxyaabaha uusan qabsan karin.

"Anigu ma ahi Curyaan, laakiin waxaan ahay shakhsi si fudud u abuurtay wax ka duwan sida aan ahay. Waxaan hayaa tubtii aan ku qabsan lahaa danahayga." Ayuu yiri wiilkan.

Abdirizak Hayir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM