Ingiriiska: Ruushka wuxuu Ukraine madaxa ka saarey qori

Image
Ruushku ayaa abaabulay ilaa 100,000 oo askari kuwaasoo la sheegay in ay gaareen xadka Ukraine.

LONDON, UK - Ra'iisul wasaaraha waddanka Britain, Boris Johnson, ayaa ku eedeeyay Moscow in ay "qori madaxa saartay Ukraine" iyadoo laga cabsi qabo in Ruushku uu dhawaan weeraro waddanka deriskooda ah.

Ruushku ayaa lagu waramay in uu abaabulay ilaa 100,000 oo askari kuwaasoo la sheegay in ay gaareen xadka Ukraine, laakiin waxa uu dafiray "inuu qorsheynayo duulaan".

Taas beddelkeeda, waxay caddayn u soo qaadatay jawaabta reer galbeedka ee abaabulka ciidan inay caddayn u tahay "in Ruushku yahay bartilmaameedka gardarrada".

Isniintii, Washington ayaa heegan sare galisay 8,500 oo askari oo suurtagal ah in la geeyo Bariga Yurub, lagana yaabo in ogeysiis aad u yar la helo, sida laga soo xigtey warbixinada soo baxaya.

Sidoo kale, waddamada kale ee xubnaha ka ah NATO ayaa u dhaqaaqay si ay u xoojiyaan joogitaankooda ammaan ee gobolka. Moscow ayaa ka jawaabtay tallaabadaas, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu sii kordhinayo xiisadda.

Hogaamiyayaasha Ukraine ayaa isku dayay inay shacabka u xaqiijiyaan in duulaanka uga imaanaya dalka ay dariska yihiin ee Ruushka uusan ahayn mid soo fool leh, xitaa maadaama ay qirteen in khatartu ay dhab tahay.

Isaga oo la hadlaya Baarlamaanka, wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in "laga bilaabo maanta, ma jiraan sababo la aamini karo" in Ruushku uu isku diyaarinayo inuu si degdeg ah u soo galo dalkeena".

Oleksii Reznikov oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in ciidamadoodu aysan samayn wax uu ugu yeeray koox dagaal oo awood u leh inay soo maraan xadka". Balse, shacabka wali waa ku baqdin wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM