Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Trump

Image

Tehran — Iran waligeed ma shirqoolin inay disho madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas wareysi uu siiyay NBC News Talaadadii ku sheegay madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, isagoo beeniyay sheegashadii hore ee Trump iyo dowladda Mareykanka.

Bishii November, waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa nin Irani ah ku soo oogtay dacwad la xiriirta shirqool ay amar ku bixiyeen Ilaalada Kacaanka Iran, si uu u dilo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka. Ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay qorshaha la sheegay ka hor inta aan wax weerar ah la qaadin.

Trump ayaa sidoo kale sheegay sanadkii hore intii lagu jiray ololaha doorashada madaxweynaha Mareykanka in Iran laga yaabo inay ka dambeysay isku dayo lagu dili rabay.

"Waxba kama jiraan," Pezeshkian ayaa ku yiri NBC News, markii la weydiiyay haddii uu jiro qorshe Iran ah oo lagu dilayo Trump. "Weligeen iskuma dayin ugu horreynba, mana isku dayi doono abid.”

Trump, oo ku guuleystay doorashadii Mareykanka ee sannadkii hore, xilkana la wareegi doona Isniinta, ayaa ka badbaaday laba isku day dil intii lagu jiray ololaha - mid bishii September xilli uu golf ku ciyaarayay West Palm Beach, Florida, iyo mid kale intii lagu jiray isu soo bax bishii Luulyo ka dhacay Butler, Pennsylvania.

Baarayaasha ma helin wax caddaynaya ku lug lahaanshaha Iran ee midkoodna.

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

Tehran ayaa sheegtay in Washington ay faragelin ku samaynaysay arrimaheeda gudaha muddo tobanaan sano ah, iyada oo soo xiganaysa dhacdooyin u dhexeeyay afgambigii 1953 ka dhanka ahaa ra'iisul wasaaraha dalkaas, illaa 2020 oo taliye milatari oo sare lagu dilay duqaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

REUTERS

Related Articles

Madaxweynaha Cusub ee Lubnaan oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare

Lubnaan ayaa waxaa tan iyo bishii Nofeembar 2022 ku shaqeyneysay xukuumad xilgaarsiis ah.

  • Caalamka

    13-01-2025

  • 05:19PM

Mareykanka: Khasaaraha Dabka Los Angeles oo sii kordhaya

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo.

  • Caalamka

    13-01-2025

  • 08:01AM