Iran oo cunaqabatayn ku soo rogtay Saraakiil Maraykanka ah
TEHRAN - Iran ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay tobanaan saraakiil Maraykan ah oo qaar badan oo ka mid ah ay yihiin militariga, iyadoo liiska madow ku dartay shaqsiyaad ay sheegtay inay door ku lahaayeen dilkii Janaraalkoodii ugu sareeyay Qasem Soleimani 2020.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in 51 Maraykan ah lagu daray liiska madow ee la xiiriira "falka argagixisanimo" ee dilkii taliyahii guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha.
Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka Mark Milley, taliyaha ciidanka bada, saraakiil ka tirsan Pentagon-ka, iyo taliyayaasha saldhigyada Mareykanka ee gobolka ayaa ka mid ah shaqsiyaadka lagu bartilmaameedsaday cunaqabateynta.
Cunaqabateynta ayaan wax wayn ka badali doonin saraakiishaan sida ay qabaan falanqeeyayaasha maadaama shaqsiyaadka la magacaabay aan loo maleyneynin in ay heystaan hanti ay la wareegi karaan mas'uuliyiinta Iran.
Sannad ka hor, Iran ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, xoghayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo 8 kale oo kaalin ka qaatay dilkii Soleimani oo lagu dilay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Baqdaad ee Ciraaq. Waxa kale oo ay ka dalbatay Interpol in la soo xiro saraakiishaan.
Talaabadan ayaa timid wax yar ka dib sanadguuradii labaad ee dilkii Soleimani ee lagu dilay weerar diyaaradeed oo Mareykan ah oo uu amray Trump.
Xaflad lagu xusayay sannad-guurada horraantii toddobaadkan, Madaxweyne Ebrahim Raisi wuxuu sheegay in Trump, Pompeo iyo kuwa kale ay tahay in lagu xukumo "maxkamad cadaalad ah", isaga oo ka digay in haddii kale Iran iyo xulafadeeda ay ku jiridoonaan waxa loogu yeero " dhidibka iska caabinta" ee Soleimani uu ku ololeeyay in ay raadin doonaan. aargoosi.
Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka inay qaadaan tillaabo rasmi ah oo ka dhan ah Maraykanka iyo Israa'iil - oo ay ku eedaysay in ay garabsiiday talaabadaan maamulka Maraykanka.
IRGC ayaa Jimcihii soo bandhigtay gantaallo badan oo gudaha laga sameeyay oo ay sheegtay in loo adeegsaday weerarkii 2020-kii ee lagu qaaday laba saldhig oo Mareykanka uu ku leeyahay Ciraaq si ay uga aargoostaan dilkii Jeneraalka.
Maamulkii Trump ayaa 2018 si keligiis ah uga baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee quwadaha adduunka lagaleen Iraan wuxuuna bilaabay olole "cadaadiska ugu sarreeya" oo ka dhan ah Iran, oo ay ku jiraan cunaqabatayn adag.
GAROWE ONLINE