Iran oo dalxiise Faransiis ah u xukuntay "jaajuusnimo"

Image
Benjamin Brière, oo 36 jir ah, ayaa laga xiray xadka Iiraan iyo Turkiga bishii May ee sanadkii 2020.

TEHRAN, Iiraan - Dalxiise u dhashay dalka Faransiiska ayaa maxkamad ku taal dalka Iran ay ku xukuntay siddeed sano oo xadhig ah, sida uu sheegay qareenkiisa oo ku sugan magaalada caasimada ah ee Paris.

Benjamin Brière, oo 36 jir ah, ayaa la xiray bishii May ee sanadkii 2020 ka dib markii uu ku duuliyey diyaarad aan duuliye lahayn [drone] meel u dhow xuduudka dalalka Iran iyo Turkiga.

Qareenkiisa, Philippe Valent, ayaa sheegay in macmiilkiisu "uehlin maxkamadayn caddaalad uuna hortagin garsoorayaasha dhexdhexaadka ah", sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Valent ayaa, sida ku xusan wakaaladda wararka waddanka Faransiiska, wuxuu carabka ku adkeeyay in Mr Brière uu "aad iyo aad u tabardarnaa" cunto-joojinna uu billaabay bishii December.

Mr Brière ayaa lagu xukumay maxkamada albaabadu u xirnaayeen oo ku taal bariga magaalada Mashhad. Mr Valent ayaa tibaaxay in macmiilkiisa aan si buuxda loogu wargelin eedaha loo haysto.

Brière waa mid ka mid ah in ka badan 12 muwaadiniin reer galbeedka ah oo lagu haysto Iran, oo ay ku tilmaameen la-haysteyaal u dhaqdhaqaaqayaasha sheegay in aanay wax danbi ah ka lahayn oo lagu xidhay rabitaanka Ilaalada Kacaanka ee awoodda badan si ay tanaasul uga helaan reer galbeedka.

Kiiskiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Iran iyo quwadaha reer galbeedka, kuwaas oo isku heysta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Iran iyo France, Germany iyo UK ayaa muddo dhowr bilood ah ku lahaa magaalada Vienna wadahadalo ujeedadoodu tahay sidii loo soo celin lahaa heshiiskii caalamiga ahaa.

Heshiiska wuxuu xakameynayaa Nukliyeerka Iran, taas oo ay ku bedesheen qaadista cunaqabataynta dhaqaale ee saaran, heshiiskaas oo soo shaac baxay ka dib markii Maraykanku uu ka laabtay taageeradii 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM