​Iran oo tijaabisay Gantaal cusub

Image

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay si guul ah u tijaabisay gantaal cusub oo riddadiisu ay meel dhexaad tahay, arrintaas oo ay ku muujinayso sida ay u diiddan tahay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tijaabada gantaalka Khoramshahr, oo dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 2,000 km, ayaa waxaa lagu baahiyay TV-ga qaranka. Ma ay cadda marka tijaabada la sameeyay.

Madaxweyne Trump ayaa Salaadadii waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.

Hasayeeshee Jimcihii Madaxweynaha Iiiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaarin doonto awooddeeda milateri.

Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.

Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeeray taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM