Iran oo u hanjabtay Mareykanka iyo Ingiriiska

Image

TEHRAN - Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in rabshadaha ka socda dalkaasi ay ku lug leeyihiin dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ayatollah Ali Khamenei waxa uu xusay in cadeymo rasmi ah u hayaan in dibadbaxyada dhiiga ku daatey ee ka dhacay Iran si toos ah looga soo maleegay dibadda, iyadoo la doonayo in xukunka looga tuuro dowladd ka jirta dalkaasi.

Khamenei oo ah hogaamiyaha ruuxiga dalka Iran ayaa carabka ku dhufty in Madaxweyne Donald Trump uusan ahayn qof maskaxdiisu caafimaad qabta, kadib markii uu ku qaaday tallaabooyin dhaawacay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay ogaadaan ugu horeyn in ay ku guul-dareesteen ujeedkoodii ahaa inay ridaan dowladda Iran hadda ka talisa, ma noqon doonto tllaabadan mid Iran ay ka aamusto, oo jawaab ayaa laga bixin doonaa,” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa u sheegay Maryekanka iyo Ingiriiska inay guul-dareesteen hadda, sidoo kalena aysan mustaqbalkana ku guuleysan doonin isku day kasta oo Iran lagu afgembinayo.

Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Iran inay tahay kaligii-talis oo taageerta Kooxaha argagaxisada, sida Xisbullaahi iyo Xamaas ee ka dagaalamaha Lubnaan iyo Falastiin, isagoo shaaciyay in maamaulkiisa uu taageersan yahay dibadbaxyad looga soo horjeedo Xukuumadda Tehran.

Hadalka Ayatollah Ali Khamenei ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay Mareykanka iyo Ingiriiska taageereen dibadbaxyada Iran oo shacabka ay ka cabanayeen sicir barar, shaqo la'aan iyo Musuq-maasuq ka jira dowladda.

Dad gaaraya 22 ruux ayaa ku dhintay, ku dhawaad 3,700 oo qof ayaa lagu xiray dibadbxyada ka dhanka ah dowladda Iran kuwaasi oo ka billowday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi 28-kii December.

Iran ayaa tilmaantay in CIA-da Mareykanka iyo Hay’add Sirdoonka Israel Mossad ay kaalin weyn ka qaateen banaanbaxa, iyadoo Sacuudiga uu ku bixiyay dhaqaalo badan kicinta dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM