Iraq oo war kasoo saartay isku-daygii dilka Xasan Sheekh

Image
Image
Image
Image
Image

BAQDAAD - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq ayaa si kulul u cambaareysay isku dayga dilka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Isku dayga dilka ayaa ahaa mid loogu talagalay in lagu carqaladeeyo xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in Ciraaq ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, taas oo si joogto ah u khatar gelinaysa amniga iyo xasilloonida gobolka. War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo amniga iyo nabadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq ayaa carabka ku adkeeysay baahida loo qabo in si wadajir ah loo wajahdo caqabadaha amni ee gobolka, iyadoo la isku duubo dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada. Waxaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in Ciraaq ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato dadaalladaasi, iyadoo sidoo kale muujisay sida ay uga xun tahay isku dayga dilka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Ciraaq ayaa tilmaantay in loo baahan yahay in la dhiso iskaashi ka dhex jira dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si looga hortago argagixisada iyo rabshadaha ka jira Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika. Waxaa la bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo la taageerayo hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka si loo hubiyo mustaqbalka nabdoon.

Qaraxa lagu dili rabey Xasan Sheekh wuxuu ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta 18kii bishan, waxaana lala eegtay kolonyo uu watay oo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadade oo diyaarad ka raacey markii dambe, taasoo geystay Aadan Yabaal, Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo xukun dil ah ku fuliyay 4 Muwaadin oo u dhashay Canada

Inkastoo dilalka muwaadiniinta reer galbeedka ee Shiinaha ay yihiin kuwo aan sidaas u badnayn, afarta muwaadiniin ee Canadian ah.

  • Caalamka

    20-03-2025

  • 12:19PM

Trump oo faafinaya xogo ku saabsan dil loo geystay Madaxweynihii Mareykanka 1963

Kennedy waxaa lagu toogtay inta uu ku jiray booqasho magaalada Dallas, Texas, taariikhdu markay ahayd 22kii Nofeembar 1963.

  • Caalamka

    19-03-2025

  • 12:21PM