Isbaheysiga Sacuudiga horkacayo oo ku dhawaaqay xabad-joojin

Image
Go'aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen.

MOSCOW, Russia - Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay gelinkii dambe ee Talaadadii in ay joojinayaan hawlgallada militari laga bilaabo Arbacada, ka dib baaqii Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynaysay xulafada milatariga ee Sucuudigu hogaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal ku jiray ilaa 2015-kii, si loo helo heshiis nabadeed iyo in la yareeyo dhibaatada bini'aadantinimo.

Xabbad-joojintu waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dadaallada nabadeed ee muddo ka badan saddex sano ah iyadoo beesha caalamku ay la daalaa dhacaysay sidii loo soo af-jari lahaa colaad toddobo sano socotay oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul.

"Taliska ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga ayaa ku dhawaaqaya joojinta howlgallada milatari ee gudaha Yemen laga bilaabo Arbacada 6-da subaxnimo," wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay afhayeenka isbaheysiga Brigadier General Turki al-Malki.

Go'aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen laguna gaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran, sida ay raacisa SPA.

Soo jeedinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa xabbad-joojin ku-meel-gaar ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taas oo lagu beddelayo in loo oggolaado in maraakiibta shidaalka ay ku soo xirtaan dekedda Xudeydah ee ay Xuuthiyiinta haystaan ​​iyo tiro yar oo duulimaadyo ganacsi ah si ay uga duulaan garoonka Sanca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM