Isbaheysiga Sacuudiga horkacayo oo ku dhawaaqay xabad-joojin

Image
Go'aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen.

MOSCOW, Russia - Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay gelinkii dambe ee Talaadadii in ay joojinayaan hawlgallada militari laga bilaabo Arbacada, ka dib baaqii Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynaysay xulafada milatariga ee Sucuudigu hogaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal ku jiray ilaa 2015-kii, si loo helo heshiis nabadeed iyo in la yareeyo dhibaatada bini'aadantinimo.

Xabbad-joojintu waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dadaallada nabadeed ee muddo ka badan saddex sano ah iyadoo beesha caalamku ay la daalaa dhacaysay sidii loo soo af-jari lahaa colaad toddobo sano socotay oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul.

"Taliska ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga ayaa ku dhawaaqaya joojinta howlgallada milatari ee gudaha Yemen laga bilaabo Arbacada 6-da subaxnimo," wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay afhayeenka isbaheysiga Brigadier General Turki al-Malki.

Go'aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen laguna gaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran, sida ay raacisa SPA.

Soo jeedinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa xabbad-joojin ku-meel-gaar ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taas oo lagu beddelayo in loo oggolaado in maraakiibta shidaalka ay ku soo xirtaan dekedda Xudeydah ee ay Xuuthiyiinta haystaan ​​iyo tiro yar oo duulimaadyo ganacsi ah si ay uga duulaan garoonka Sanca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM