Iska-hor-imaad dhanka afka ah oo dhexmaray Shiinaha iyo Hindiya

Image
Labadan dal ee deriska ah ayaa ku muransan gobol ku yaalla xuduuda ay wadaagaan.

ISTANBUL, Turkey - Shiinaha iyo Hindiya ayaa mar kale is-dhaafsadey weerar dhanka dhafka ah. Xiisadan waxay salka ku haysaa dhul dhaca gobolka waqooyi-bari ee Hindiya ee Arunachal Pradesh kaas oo Beijing u aqoonsan tahay ismaamulka Tibet.

Wasaaradda arrimaha madaniga ah ee Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay habaysay magacyada 11 goobood oo ay ugu yeertay qaybta koonfureed ee Tibet ama ismaamulka Xizang, oo Beijing ay u taqaano Zanngnan.

"Waan diidnay arrintan si toos ah," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, Arindam Bagchi, isaga oo intaa ku daray in magacyada meelaha qaar ay qayb ka yihiin gobolka Arunachal Pradesh.

New Delhi ayaa marar badan diiday sheegashada Beijing ee ku saabsan gobolka. "Arunachal Pradesh waxay ahaan jireen had iyo jeer ahaan doona qayb ka mid ah Hindiya," ayuu yiri Bagchi.

Dhankiisa, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Mao Ning, ayaa yiri: " "Zangnan waa qayb ka mid ah dhulka Shiinaha. Iyadoo la raacayo shuruudaha ku habboon ee maamulka magacyada juqraafi ee Golaha Gobolka, mas'uuliyiinta awoodda u leh ee dawladda Shiinaha ayaa habeeyey magacyada qaybo ka mid ah Zanngnan. Tani waxay ku dhex jirtaa xuquuqda madax banaanida Shiinaha".

Murankan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Hindiya Subrahmanyam Jaishankar uu sheegay bishii hore in xaalada u dhaxaysa Hindiya iyo Shiinaha ee gobolka Himalayan ee Ladakh ay tahay "mid jilicsan oo khatar ah."

Tan iyo bishii Maajo 2020, labada waddan waxay isku qabsadeen xiisad ku saabsan Khadka Xakamaynta Dhabta ah (LAC) - xadka dhabta ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Hindiya ee aagga Ladakh Ladakh ee gobolada lagu muransan yahay ee Jammu iyo Kashmir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM