Israa’iil oo argagaxisnimo ku eedaysay wadan Muslim ah

Image
SAWIR HORE

JERUSALEM, Palestine - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Galant ayaa ku eedeeyay Iran iyo taageerayaasheeda weerarrada lagu bar-tilmaameedsaday dadka deggan Daanta Galbeed.

Halka magaalooyinka Gaza iyo Nablus ay goob joog ka ahaayeen iska-horimaadyo sababay dhaawaca tobanaan Falastiiniyiin ah. kuwaas oo qaarkood lagu tilmaamay kuwo halis ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii gabar Israa'iiliyad ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay agagaarka deegaanka Kiryat Arba Isniintii, halka labo kalena lagu dilay weerar toogasho ah oo Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Hawaar ee u dhow Nablus ee waqooyiga Daanta Galbeed.

Netanyahu ayaa intaasi ku daray in dowladiisa, ciidanka iyo hay’adaha amaanka ay habeen iyo maalinba ku dadaalayaan sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa “kuwa wax dilay, kuwa soo diray iyo kuwa maalgeliyay, si loola xisaabtamo” waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Galant ayaa isla goobta ka sheegay in ay wadaan dadaallo heerkii ugu sarreeyay si loo soo afjaro wax uu ku tilmaamay isbeddelka saameynta leh ee la xiriira maalgelinta Iran iyo hubka faraha badan ee ku faafay gobolka.

Isaga oo sheegay in Iran ay dhinac walba ka eegayso sidii ay u dhibaatayn lahayd muwaadiniinta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM