Israa'iil oo askar badan looga dilay weerar loo adeegsadey drones

Image
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay.

LONDON, UK - Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hezbollah ayaa lagu dilay afar askari oo Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa saldhig ciidamada Israa’iil ku leeyihiin koonfurta Haifa habeenkii Axadda

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay tan iyo markii Israa’iil ay kordhisay weerarada ay ku qaadayso ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan bishii hore

Dhanka kale gudaha Lubnaan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 51 qof ay ku dhinteen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay guud ahaan dalka Axaddii

Magaalada Gaza, mas'uuliyiinta ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in weerar ay Israa'iil ku qaadday iskuul ay gabbaad ka dhiganayeen Axaddii ay ku dhinteen 22 qof, oo ay ku jiraan 15 carruur ah.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay xoog ku galeen mid ka mid ah goobahooda Axaddii – Israa’iil ayaa ku muransan qaabka Qaramada Midoobay ay u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM