"Tiradii ugu badneyd" Falastiiniyiin ah oo la dilay bil gudaheeda

Image
Ciidamadda Yahuuda ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa lagu eedeeyay xasuuqan.

DOOXA, Qadar - Bishii hore Oktoobar waxaa la dilay tiradii ugu badnayd ee Falastiiniyiin ah waxaana ka dambeeyay ciidamada Israa'iil ee haysta Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Qudus, sida lagu sheegay xog ay soo ururisay Middle East Eye.

Ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan 29 falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed bishii hore, taasoo ka dhigaysa bisha Oktoobar bishii ugu dhimashada badneyd illaa hadda.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan bini'aadantinimada ayaa sheegay Talaadadii in 2022 ay noqon doonto "sanadkii ugu dhimashada badnaa" tan iyo markii ay billowday tirinta dhimashada guud ahaan Dhulka Falastiin 2005-tii.

Marka loo eego falanqeynta MEE, sidoo kale waa dhimashadii ugu badnayd ee Daanta Galbeed hal bil gudaheed tan iyo bishii May ee sanadkii hore intii lagu guda jiray dibad baxyada Falastiiniyiinta ee ka dhacay guud ahaan dalka oo looga soo horjeeday weerarrada Israel ee Masjidka Al-Aqsa, ka saarista Sheekh Jarrah iyo duqeymaha Marinka Gaza.

Ugu yaraan shan ka mid ah dadka dhintay bishii Oktoobar ka dib markii ay toogteen ciidamada ammaanka Israa'iil ayaa ahaa wiilal. Midka ugu yar waxa uu ahaa Maxamuud Mohammad Samoudi oo 12 jir ahaa kana soo jeeda Jenin uguna dhintay cisbitaal 10-kii Oktoobar dhaawacyadii rasaasta Israa'iil ka soo gaaray 28-kii Sebtembar intii lagu jiray weerar ay ciidanku ku qaadeen.

In ka badan kala bar dadka la dilay bishii Oktoobar waxay u badan tahay in aysan hubaysnayn markii la toogtay, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta iyo warbaahinta.

Shan iyo toban qof ayaa la toogtay iyagoo goob-joog ka ah mudaharaadyo kadib markii ay ciidamadu weerareen ama weerarrada dadka deegaanka ee ay ciidamadu ilaalinayeen.

Markii ugu dambeysay ee ka hor 2021-kii in tirada bilaha ah ay kor u dhaafto 30 dhimasho waxay ahayd intii u dhaxeysay Oktoobar iyo Disembar 2015-kii oo ay sare u kacday mowjado weerarro ah oo Falastiiniyiin ah xilligaas oo Yahuuda xasuuq ay geysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM