Israa'iil oo dhalinyaro Falastiini ah ku dishay Daanta Galbeed

Image
In ka badan 150 falastiiniyiin ah ayaa tan iyo bilowgii 2023 ku dilay rasaasta Israa’iil ee daanta galbeed ee la haysto iyo bariga Quddus.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israa'iil ayaa laba wiil oo Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay Jimcihii - dhiiggii ugu dambeeyay ee daadanaya iyada oo ay sii socdaan rabshadaha gobolka.

Mid ka mid ah dhalinyarada oo ay wasaaradda caafimaadka Falastiin ku sheegtay in lagu magacaabo Muhammad Fouad Atta al-Bayid oo 17 jir ah ayay ciidamada Israa’iil madaxa ka toogteen xilli ay rabshado ka socdeen tuulada Umm Safa oo deris la ah Ramallah.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warantay in wiilkan oo ka soo baxay Xeradda Qaxootiga ee Jalazone ee Waqooyiga magaalladda Ramallah la dhigay Isbitaalka Istishaari Carab ka hor inta uusan u dhiman dhaawacii soo gaaray.

Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay rideen rasaas nool nool, sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro markii ay iska horimaadyo kala kulmeen dadka deegaanka.

Toogasho labaad ayaa gelinka dambe ee Jimcihii ka dhacday gobolka Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo hal qof uu ku dhintay mid kalena uu si xun u dhaawacmay, sida ay sheegtay Bisha Cas ee Falastiin.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku sheegtay qofka dhintay Fawzi Makhalfeh oo 18 jir ahaa. Waxa kale oo ay sii daysay muqaal muraayad burburay iyo rasaas ah dhulka daadsanaya tusinaya.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidanka bilayska xuduudka ay rasaas ku fureen ka dib markii tuhmanayaal wejiyada soo duubtay ay dhagxaan ku tuureen ciidammada Israa’iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Waxaa la xaqiijiyay in qof ay haleeshay rasaas balse faah faahin dheeraad ah lagama bixin. Waxa ay sheegtay in ciidamada ay fureen rasaas ay uga jawaabayeen dhagxaan iyo walxaha qarxa.

In ka badan 150 falastiiniyiin ah ayaa tan iyo bilowgii 2023 ku dilay rasaasta Israa’iil ee daanta galbeed ee la haysto iyo bariga Quddus. Yahuuda waxay sanado badan dhibaato ku haysaa dhulkaas barakeysan iyadda dooneysa qabsasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cusub ee Lubnaan oo Magacaabay Ra’iisul Wasaare

Lubnaan ayaa waxaa tan iyo bishii Nofeembar 2022 ku shaqeyneysay xukuumad xilgaarsiis ah.

  • Caalamka

    13-01-2025

  • 05:19PM

Mareykanka: Khasaaraha Dabka Los Angeles oo sii kordhaya

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo.

  • Caalamka

    13-01-2025

  • 08:01AM