Israa’iil oo in ka badan 150 qof ku dhaawacday masjidka Al-Aqsa

Image
Bisha Ramadaan ayaa sanadkan waxa ay ku beegantay fasaxa Yuhuudda iyo toddobaadka barakeysan ee Masiixiyiinta.

TEL AVIV, Israel - Ciidamada dalka Israa’iil ayaa maanta dhaawacay dad kor u dhaafaya 150 qof ka dib iska hor-imaad ku dhex maray iyaga iyo shacabka Falastiiniyiinta gudaha masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Hay’adda Bisha Cas ee ka hawlgasha dalka Falastiniin ayaa sheegtay in dhaawaca intiisa badan ay sababeen rasaasta caagga ah, bambooyin qaaca siidaaya, garaac iyo jirdil ay sameeyeen ciidanka booliska.

Ra'iisul Wasaaraha dalka, Naftali Bennett ayaa horaantii bishan sheegay in Ciidamada Ammaanka Israa’iil heegan buuxa la galiyay ka dib weeraro toogasho oo sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaas dalkiisa ka dhacay todobaadyadii lasoo dhaafay.

Ofir Gendelman oo ah afhayeenka Raysal Wasaaraha Israa'iil ayaa sidoo kale sheegay in Israa'iil aysan ogolaan doonin kuwa uu ku tilmaamay "qas-wadayaasha" inay carqaladeeyaan hamsami u socodka cibaadada Jerusalem iyo in ay carqaladeeyaan nidaamka dadweynaha.

Ciidamada Israa’iil ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud kusoo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Warka ayaa intaas ku daray in kadib ciidamada ay gudaha u galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayey ay si nabdoon uga baxaan masjidka".

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay kaga dhaawacmeen iska horimaadka. Raysal Wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in Boolisku ay xireen boqolaal Falastiiniyiin ah.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Masjidka Barakeysan iyo guud ahaan Israa’iil, waxaan isku diyaarineynaaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayey u yihiin shaqo kasta,” ayuu yiri Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israa’iil ay si buuxa oo toos ah masuul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay faraha ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israa’iil ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamaas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israa’iil "ay dusha saaran doonto masuuliyadda iyo cawaaqib xumada ka dhalata falka ay ku kaceen".

Mudaaharaadyo toddobaadyo socday iyo weerarro lagu qaaday Al-Aqsa bishii Ramadaan ee sannadkii hore ayaa isu beddelay weerar 11 maalmood qaatay oo lagu qaaday marinka Gaza, kaas oo horseeday dhimashada ugu yaraan 260 Falastiiniyiin ah iyo 13 Israa'iiliyiin ah.
 
Bisha Ramadaan ayaa sanadkan waxa ay ku beegantay fasaxa Yuhuudda iyo toddobaadka barakeysan ee Masiixiyiinta, waxaana magaalada Qudus ku soo qulqulaya kumannaan xujey ah iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM