Israa’iil oo lagu eedeeyay duqeymo ka dhacay gudaha Suuriya
TEL AVIV, Israel – Israa’iil ayaa duqeymo cusub oo dhanka cirka ah ku qaaday goobo ku yaalla Suuriya halkaas oo ay ku sugan yihiin Ilaalada Kacaanka Iran iyo Xisbullah ee Lubnaan, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha.
Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn laga soo sheegay fiidnimadii Sabtida agagaarka magaalada Masyaf ee gobolka Hama ee galbeedka Suuriya.
Dhowr gantaal ayaa lagu garaacay bartilmaameedyo ku yaal aagga ay ku sugan yihiin ilaalada kacaanka iyo maleeshiyaadka Xisbullah, sida ay sheegtay kormeerayaasha.
“Waxaa jira bakhaaro, xarumo cilmi baaris oo lagu cusboonaysiiyo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Si kastaba ha ahaatee, weli lama soo sheegin tiro koobka khasaaraha ka dhashay weerarka,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee fadhigeedu yahay UK.
Duqeymahan gantaallada ah ayaa ahaa weerarkii sideedaad ee Israa'iil ay ku qaado bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya sanadkan, kormeeruhu wuxuu intaas ku daray, kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa horraantii bishii Maarso markaasoo qaraxyo laga soo sheegay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dimishiq.
Wakaaladda wararka dawladda ee SANA, oo soo xiganaysa ilo milatari, ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Suuriya ay qabteen tiro gantaallo ah iyo "gardarrada hawada Israa'iil" ay gaysteen "waxyeelo" kaliya.
“Abaarihii 19:45 p.m. [16:45 GMT] Sabtidii, cadawga Israa'iil ayaa duullaan xagga cirka ah ka soo qaaday jihada woqooyiga Lubnaan oo ay ku bartilmaameedsadeen meelo ka mid ah gobollada dhexe, iyadoo difaaca cirka ee ciidamadu ay ka horyimaadeen oo ay soo rideen tiro gantaallo ah," SANA ayaa sheegtay.
Israa’iil ayaa sannadihii lasoo dhaafay boqolaal weerar ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya oo ay dowladdu maamusho, balse waa dhif in ay qirtaan ama ka hadlaan howlgalladaas.
Tel Aviv waxa ay tilmaantay in ay bartilmaameedsanayso saldhigyada maleeshiyaadka xulafada la ah Iran, sida Xisbullah, oo ay dagaalyahano ka soo daad gureeyeen Suuriya oo garab ka helaya ciidamada Bashaar Al-Asad ee Suuriya tobanka sano ee dagaalka sokeeye.
Joogitaanka Iran ee xudduuddeeda waqooyi ayaa khad cas u ah Israa'iil, taasoo marmarsiinyo u ah weerarrada ay ku bartilmaameedsanayso gudaha Suuriya.
Bishii Decembar, diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa gantaallo ku garaacay dekedda Latakia ee Suuriya, weerar naadir ah oo lagu qaaday xarunta muhiimka ah ee laga soo dejiyo waddanka uu dagaalladu halakeeyay. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta diyaarada ay waxyeelo gaarsiisay konteenarada maraakiibta balse ma aysan geysan wax khasaare ah.
GAROWE ONLINE