Israa’iil oo sii deysay maxbuuskii ugu da’da weynaa ee Falastiini ah

Image
Hadalkii ugu horeeyay ee Fu’aad al-Shubaki, oo 83 jir ah, ayaa ahaa in xorriyadooda loo celiyo saaxiibadii uu jeelka uga soo tagay.

DOOXA, Qadar - Israa’iil ayaa Isniintii shalay ahayd waxay xorriyadiisa dib ugu celisay maxbuuskii ugu da’da weynaa ee reer Falastiin oo ku jiray xabsiyada maamulka Yahuuda muddo 17-sano oo xiriir ah, sidda laga soo xigtey warbaahinta gudaha iyo caalamka.

Fu’aad al-Shubaki, oo 83 jir ah, ayaa laga sii daayay jeelka Ashkelon ee ku yaalla bartamaha Israa’iil, waxaana lagu soo qaaday ambalaas loo qaaday Koontaroolka Tarqumiya, ee galbeedka magaalada Hebron, halkaas oo qoyskiisa ay ku soo dhaweeyeen.

Hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee sii dayntiisa ka dib, Al-Shubaki oo la hadlay saxaafadda ayaa wuxuu ku baaqay in la sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.

Sida laga soo xigtay tirokoobka Falastiiniyiinta, waxaa jira 4,780 falastiiniyiin ah oo ay haysato Israel, oo ay ku jiraan 160 carruur ah iyo 29 dumar ah oo maxaabiis ah.

Ururka maxaabiista ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Al-Shubaki uu la ildaran yahay cudurro daba-dheeraaday kuna tiirsanaa saaxiibadiisa maxaabiista si ay u daboolaan baahidiisa jireed inta uu xabsiga ku jiro.

Al-Shubaki waxa uu ku dhashay Gaza 1940-kii, waxa uu ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda Fatax, waxa uuna safaro badan oo dibadda ah ku wehliyay Madaxweynihii hore ee Falastiin Yaasir Carafaat.

Bishii Janaayo 2002, Israa'iil ayaa ku qabsatay shixnad hub ah oo saarnayd markab - loo yaqaan Karine A - oo ku sugan badda cas xilli uu u socday Falastiin.

Israa'iil ayaa ku eedaysay al-Shubaki inuu ka mas'uul yahay shixnadda hubka, waxayna bishii Maarso 2006 ku soo xirtay xabsi ay Falastiiniyiintu ku leeyihiin magaalada Jericho halkaas oo uu ilaa 2002 ku xirnaa isagoo ay ilaalinayaan ciidamo Mareykan iyo Britain ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM