Israa'iil oo xabsi u taxaabtey Xildhibaan kasoo jeeda dalka Jordan

Image
Yahuuda ayaan ka hadlin dhacdadan, waxaana la xaddiday tabinta warbaahinta gudaha ee kiiskan.

AMMAN, Jordan - Xildhibaan u dhashay dalka Urdun ayay Israa’iil xirtay kadib markii lagu eedeyay in uu isku dayay in uu hub sharci darro ah ku geliyo Daanta Galbeed ee la haysto, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun.

Imad al-Adwan oo dhankiisa aan wali ka jawaabin eedeynta loo haysto ayaa lagu xiray habeenimadii Sabtida isgoyska Allenby Bridge, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Jordan ee Ammon.

Mas'uuliyiin ay soo xigatay BBC-da ayaa sheegay in saraakiisha ay heleen 12 qori iyo 270 walxo kale oo hub ah, sidda uu muujinayo muuqaal aan la xaqiijin oo lagu baahiyay baraha bulshada ee Israel.

Yahuuda ayaan ka hadlin dhacdadan, waxaana la xaddiday tabinta warbaahinta gudaha ee kiiskan. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa xusay in ay isku dayayaan in ay kiiska ku xalliyaan “sida ugu dhakhsaha badan”.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adda ammaanka ee Shin Bet ay isku dayayso in ay ogaato cidda hubkaas loo waday iyo in xildhibaanku uu sidaas oo kale horay u sameeyay.

Jordan iyo Israel oo wadaaga xuduud 482 kilometers (300 miles) ah ayaa si rasmi ah xiriir u sameystay ka dib markii ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen sanadkii 1994-kii.

Balse, xiriirkooda ayaa dhawaanahan ahaa waxa uu ahaa xumaaday sababo ku aadan rabshadaha ciidamadda Israa’iil iyo dadka Falastiiniyiinta kasoo kordhay Xaramka Al-Shariif/Temple Mount ee magaaladda Jerusalem, oo Urdun ay ilaaliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saaca.

  • Caalamka

    25-02-2025

  • 09:09AM

Sacuudiga oo Marti-gelinaya Shir Looga Hadlo Qorshaha Trump ee Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dib-u-dhiska Gaza uu ku kacayo in ka badan $53 bilyan.

  • Caalamka

    21-02-2025

  • 08:48AM