Xafiiska Talefishinka Al Jazeera ee Qudus oo la xirayo

Image

TEL AVIV — Israel ayaa qorsheeneysaa inay taleefishinka Al Jazeera ka mamnuucdo deegaanada ay maamusho, sida ay sheegtay wasaaradda Isgaarsiinta maamulka Yahuuda.

Wasiirka isgaarsiinta Ayoub Kara ayaa sheegay inuu doonayo in kaararka aqoonsiga warbaahineed ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka hor-istaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Israel.

Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Aljazeera laga mamnuucay inay ka qeyb galaan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo inuu Israel ka mamnuuco labada kanal ee Aljazeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.

Ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay inuu xirayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Qudus, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rabshado ka hurineyso magaalada.

Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xiray xafiisyadii taleefishinka Aljazeera, oo laga leeyahay dalka Qatar, ayada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Al Jazeera ayaa lagu eedeeyaa iney qayb ka tahay olalaha dowlada Qatar ku badaleysey maamulada ka jirey bariga dhexe sida Masar, Tunisia, Libya iyo dalka Syria.

 VOA+GO

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM