Itoobiya oo si adag uga jawaabtey eedeyn ka timid Mareykanka

Image
Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay Tigray, iyadoo qiyaasaha qaar ay sheegayaan in dhimashadu ay gaareyso 600,000.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu qaaday "waddo dhinac u jaran-jeerta" kadib markii Washington ay ay Addis Ababa iyo ciidamada Eritrea la xiriirisay "dambiyo dagaal".

"Hadalka Maraykanku waa mid kicin ah," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia oo war-saxaafadeed laba bog ah soo saartey Isniinta todobaadkan.

Bayaanka oo luuqad adag ku qornaa ayaa yimid maalin ka dib markii Washington ay ku eedaysay dhammaan dhinacyada isku haya colaada Tigray inay galeen dambiyo dagaal.

Mareykanka ayaa si gaar ah u tilmaamtay ciidamada Itoobiya, Eritereeya iyo kuwa gobolka Amxaarada oo ay ku eedeysay dambiyada ka dhanka ah bani'aadanimada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa afkeeda ka dhowrsatay in ay soo hadal-qaado ciidamada daacad u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF).

Toddobaadkii hore, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Itoobiya tan iyo bishii November, 2022 markii la saxiixay heshiis nabadeed oo u dhexeeya dawladda federaalka iyo fallaagada Tigrayga.

Isniintii, ka dib markii uu ku laabtay Washington, wuxuu sameeyay baaq xoog leh oo ku saabsan isla xisaabtan ku wajahan "dambiyadda dagaal ee ka dhacay gobolka Tigray".

Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay Tigray, iyadoo qiyaasaha qaar ay sheegayaan in dhimashadu ay gaareyso 600,000. Waxaa kaloo la sheegay in ay dhaceen kufsi, xasuuq loo geystay rayid, musaafurin iyo isir sifeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM