​Jabhadda Rohingya oo xabbad joojin ku dhawaaqday

Image

Jabhadda Rohingya ee ka dagaallanta waddanka Myanmar ayaa ku dhawaaq Xabad joojin si gar gaar bini aadanimo loo gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku nool goobaha colaaddu ka taagantahay ee ku yaalla Galbeedka fog ee dalkaas.

Arakan Rohingya Salvation Army ayaa go’aanka si iskeed ah ugu dhawaaqday, waxayna fariin u direen ciidamada dowladda Myanmar iyagoo ka codsaday inay qaadaan mowqifkooda mid lamid ah.

Jabhaddan ayaa sidoo kale kooxaha gargaarka ugu baaqday inay shaqadooda qabsadaan islamarkaana dhammaan dadka ku nool goobaha colaadda gaarsiiyaan kaalmo bini-aadanimo iyagoo aan u kala soocan Qowmiyad iyo Diin intaba.

Kooxdan (Arakan Rohingya Salvation Army),  ayaa laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar, waaxaana taasi keentay inuu qarxo colaada ka taagan gobolka Rakhine.

Colaaddaasi ayaa dhalisay in dad ku dhaw saddex boqol oo kun oo qof oo ah Rohingya ay u barakacaan dalka Bangladesh, waxaana ciidamada dowladda iyo kooxo taageersan lagu eedeeyay barakicinta qowmiyaddaasi.

Xaaladda dadka Muslimiinta ah ee reer Rohingya ayaa muddo la kulmayay colaad baaxad leh taasoo keentay inay ku hanti beelaan qaybtood si arxan darro ah loogu dilo waddankaas.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in tacadiyo weyn lagula kacay muslimiinta waddankaas inkastoo eedayntaas ay beenisay xukuumadda Myanmar.

Waddamo uu hormuud u yahay Turkiga ayaa ku howllan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Muslimiinta Rohingya, waxaana dhawaan booqday marwada Madaxweyne Erdogan iyo wafdi uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Dibadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM