Jacob Juma oo 'aqbalay' in uu is casilo

Image

Johannesburg - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo.

Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.

Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha.

Mar sii horeysay oo shalay ahayd hay'adda Nelson Mandela ayaa ugu baaqday in uu Zuma is casilo, iyada oo sheegtay in intii uu xilka hayay dalka uu ka dhacay boob culus oo hantida dadweynaha loo geystay.

Haddii uu diido go'aanka ANC ee ah in uu is casilo, waxa uu luminayaa aqlabiyadda baarlamaanka, si sahlan ayaana codka kalsoonida loogu qaadi karaa baarlamaanka dhexdiisa, sidaasna uu xilka uga dagi karaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr jeer Zuma ka keenay mooshin, balse markasta tirada badan ee xildhibaanada ANC ayuu kaga badbaadayay codkaas.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Zuma uu codsaday in damaanad laga siiyo in lagu soo oogi karin wax dacwad ah.

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM