Jarmalka oo xabsi u taxaabay tobanaan qorsheynayey afgambi

Image
Nin lagu magacaabo Heinrich XIII, oo ka soo jeeda qoys hore caan ka dhex ah bulshadda.

BARLIN Germany - Shan iyo labaatan qof kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda ayaa lagu xiray howlgalo ka dhacay guud ahaan waddanka Jarmalka.

Koox xagjir midigta fog ah iyo askar horey uga mid ahaa militariga ayaa la sheegay inay ku jiraan dadka lasoo qbatey ayna u diyaar garoobayeen "maalin u qarsooneyd" si ay u weeraraan dhismaha baarlamaanka Reichstag ayna la wareegaan awoodda.

Nin lagu magacaabo Heinrich XIII, oo ka soo jeeda qoys hore caan ka dhex ah bulshadda, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa shirqoolkan.

Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah, waa mid ka mid ah laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay hormuud ka ahaayeen kuwa lagu xiray 11-ka gobol eee Jarmalka.

Booliska ayaa lagu waramay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadkan kuwaasoo abaabulayay talaabooyin rabshado iyo kicin isugu jiray.

Wasiirka arrimaha gudaha Nancy Faeser ayaa u xaqiijisay Jarmalka in mas'uuliyiintu ay si buuxda uga jawaabi doonaan "kuwa kasoo horjeeda sharciga iyo nidaamka dimuqraadiga ah".

Howlgalka dhacay waaberiga ee Arbacada maanta ah ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ka hortagga xagjirnimada ee ugu weyn taariikhda casriga ah ee Jarmalka.

Saddex kun oo sarkaal ah ayaa ka qeyb qaatay 150 howlgal oo laga sameeyay 11 ka mid ah 16-ka gobol ee dalka Jarmalka, iyadoo labo qof kale lagu kala xiray gudaha dalalka Austria iyo Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM