Kalkaaliso isku bedeshay dilaaga ugu weynaa Carruurta UK

Image

LONDON - Kalkaaliso caafimaad oo British ah ayaa lagu helay dambi ah inay dishay 7 carruur ah oo markaas dhashay, waxayna isku dayday inay disho lix kale oo ku jirtay qaybta dhallaanka ee Isbitaalka ay ka shaqaynaysay, iyadoo noqotay dilaaga ugu weynaa carruurta UK.

Lucy Letby, oo 33 jir ah, ayaa dacwad lagu soo oogay Oktoobar ee sannadkii hore, iyada oo lagu eedeeyay in ay Carruurta ku durtay hawo, ay si xad dhaaf ah u nuujisay caanaha sidoo kalena ku durtay irbado sun ah.

Marka ay dembigan galaysay waxay Lucy jirtay 20 sano. Waxay ka shaqeyn jirtay Ibsitaalka Chester hospital, oo waqooyiga galbeedka UK ku yaalla.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa Jimcihii ku sheegay bayaan wadajir ah oo laga akhriyay bannaanka hore ee maxkamadda Manchester Crown ee waqooyiga England in ay "la yaabeen" waxa dhacay.

Waxaa lagu eedeeyay Lucy in ay si bareer ah u gaysatay falkan dilka Carruurta, iyadoo aan la ogeyn sababta ku kaliftay. Waxay dareenkii Farxadda waalidka ee Carruurta u dhashay u bedeshay Murugo.

Ilmihii ugu horreeyay ee Lucy dishay ayaa ahaa wiil ku dhashay dhiciska, kaasoo dhintay isagoo maalin jir ah, bishii June 2015. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay kalkaalisada inay hawo ku durtay dhiiggiisa.

Booliisku waxay bilaabeen baaritaan ku saabsan dhimashada ilmaha ee isbitaalka bishii May 2017. Lucy waxaa la xiray saddex jeer oo lala xiriirinayo dhimashada ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin November 2020.

Saaxiibada shaqada ayaa ka shakiyay Gabadhana Kalkaalisadda ah, kadib markii ay arkeen in xiliga iyada shaqada ku jirto lagu soo boodayay ama dhimanaya Canug kasta oo xiligaas lagu dhalay qeybta ay ka shaqeyn jirtay, waxaana ay ku dacweeyeen booliska.

Markii ugu dambeyay waxaa laga badbaadiyay caruur mataano ah oo rabtay inay disho. Intii lagu guda jiray baaritaannada gurigeeda, booliisku waxay heleen waraaqo isbitaal ah iyo qoraal gacan ku qoran oo Letby ay ku qortay: "Shaydaan baan ahay, aniga ayaana sameeyay dilka."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM