​Kenya: 5 katirsan Al Shabaab ayaan dilnay

Image

NAIROBI, Kenya- War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ayaa looga hadlay howlgal ka dhacay deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in weerar qorshaysan ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen mintidiin katirsan ururka Al Shabaab, islamarkaana ay kusoo guulaysteen howgalkooda.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo, ayaa xaqiijiyay  in howlgalka oo ka dhacay deegaannada keymaha ku yaalla ee Boni iyo Bodhey ay ku dileen shan katirsan Mallayshiyaadka Al Shabaab.

Kooxda la dilay ayuu xusay inay qorshaynayeen falal amni darro.

Waxa uu Obonyo sidoo kale sheegey in ay ku soo qabteen weerarkaas lix qoryaha AK47 loo yaqaano ah, 321 rasaas, iyo seddex bam gacmeed.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Kenya heleen xogo sheegaya in kooxdaas ay ku suganyihiin deegaankaas Kaymaleyda ah ee u dhow xadka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Ma sheegin wax khasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray mudadii weerarkaas lagu jiray.

Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ka fulisay qaybo kamid ah dalka Kenya iyagoo inta badan beegsaday saldhigyada ay ku suganyihiin ciidamada Booliiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM