​Kenya: Al shabaab oo weerar kale ka fulisay gobolka Waqooyi Bari

Image

MANDERA, Kenya - Dagaalyahano katirsan Al shabaab ayaa weerar ka fuliyay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kaasi oo noqonaya midkii ugu dambeeyay weeraro silsilado ah oo ay ka gaysanayso dalkaasi.

Weerarkan waxa uu ka dhacay deegaanka Daba oo hoostaga magaalada Mandheera, oo ku dhaw Xuduuda dalka Somalia, xilli dambe saqdii dhexe ee xalay, inta u dhaxaysay 1:30am iyo 2:30am.

Danniel Bundotich, oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Mandheera ayaa sheegay in Dagaalyahanada Al shabaab oo tiradoodu lagu qiyaasay 14 illaa 20, ay weerarkooda la bartilmaameedsadeen Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom.

"Qarax ayaa lagu weeraray Xarunta Shirkadda Safaricom, waxaana lagu gubay Taawarkii ay lahayd oo gabi ahaantiisa burburay, ma jirto wax khasaaro ah oo shaqaalaha iyo ilaalada kasoo gaarey," ayuu yiri Danniel.

Danniel oo la hadlayay Daily Nation ayaa intaasi ku daray in laga awood roonaadey Ciidamada Booliska Kenya intii uu socday dagaal ay goobta kula galeen weeraryahanada Al shabaab, mana jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey.

"Ciidamada Booliska dagaalka waa looga adkaadey, balse ma jirto wax khasaaro ah oo soo gaarey," ayuu hadalkiisa raaciyay Danniel.

Dagaalyahanada weerarka kadib dib ayay ugu laabteen dalka Somalia, maadaama xuduuda ay u jirta 7KM goobta ay weerarka ka fuliyeen ee deegaanka Daba, oo ku yaalla nawaaxiga Mandheera.

"Ciidamadeena jawaab-celin deg deg ah ayay ka bixiyeen weerarka, waana kuu raadgoogaan kuwii nagu soo duulay, oo waxaana ka baadi-goobeynaa gudaha dalka Somalia, oo ciidan naga joogo," ayuu yiri Danniel.

Wararka ayaa sheegay in Al shabaab ay dab-qabadsiiyay xarun ay dowladda Shiinaha ka dhistay Daba 2015, taasi oo loogu tala galay inay dagaan qubaro kuwa Shidaalka baaro ah.

Danniel ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku nool magaalooyinka xuduuda kuu yaalla, sida Wajeer, Mandheera iyo Ceel Waaq inay kusoo wargeliyeen Booliska, hadii ay arkaan dagaalanyano Al shabaab.

"Waxaan xog ka helaynaa dadka deegaanka, kuwaasi oo intooda badan ka baqa aar-goosi Al shabaab, waayo waxaa ku dhex-nool dad taageera Kooxda ama hoos kala shaqeeya," ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliska Mandheera.

Maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay, labo Sarkaal oo katirsanaa Militariga Kenya ayaa lagu dilay 7 kalena way ku dhaawacmeen qarax Kolonyo ay la socdeen lagula eegtay deegaanka Dhamase, oo dhowr Kilomitir u jira magaalada Ceel-Waaq, ee ku taalla xadka Kenya iyo Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM