Kenya: gabar 48 saac ku dhuumaneysey Jaamacadda oo la helay

Image

April 5, 2015 (GO)- Gabar ka badbaadey weerarkii Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa, taasoo muddo 48 saac ka badan ku dhex dhuumaneysey dhismaha jaamacadda ayaa lasoo badbaadiyey maanta.

Cynthia Cheroitich oo 19 sano jir ah ayaa usheegtay wakaaladda wrarka ee AP inay armaajo ku dhuumatey kadibna dusha dhar iska saartay.

Shoog ayey qaadey waxayna markii cidamada ammaanku u sheegeen inay soo baxdo diidey inay armaajada kasoo baxdo.

" maxaan ku xaqiijinayaa inaad tihiin ciidamada Kenya?" ayey tiri waxayse soo baxdey markii loo keenay mid kamid ah macallimiinteeda oo ku qanciyey inay bannaanka usoo baxdo.

Xaaladdeeda caafimaad way wanaagsaneyd marka laga reebo daal badan oo ka muuqdey iyo inay harraadaneyd.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM