Kenya oo cafis u fidisey dhallinyarada Kenyanka ah ee ka tirsan Al- shabaab

Image

April 15, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa shaacisey inay cafis u fidin doonto dhallinyarada Kenyanka ah ee ka tanaasula fikirka xagjirnimada islamarkaana dowladda isu soo dhiiba.

Wasiirka Amniga Kenya Joseph Nkaisserya ayaa sheegay in muddada casifku ku egtahay toban maalmood, wuxuuna intaas ku daray in dadka doonaya inay cafiskan ka faa'iideystaan ay tegi karaan xafiisyada dowladda ee magaalooyinka Nairobi, Garissa iyo Mombasa.

Dadka kasoo goosta Al-shabaab wuxuu sheegay in lasoo dhoweyn doono si fiicanna loola macaamili doono, isagoo xusey in kuwa ka dhega adayga cafiskan loo arki doono dambiileyaal sharcigana lala tiigsan doono.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Kenya wuxuu ugu baaqey waalidiinta carruurtoodu ka maqan yihiin inay dowladda lasoo xiriiraan, haddii ay kusoo wargelin waayaanna loo arki doono inay raali ka yihiin taageerana u fidiyaan argagixisada.

Tallaabadan ayaa ah mid Kenya ku doonayso inay ku xoojiso ammaankeeda islamarkaana uga hortagto weerarrada uga imaanaya ururka Al-shabaab.

Go'aankan oo horay mid lamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaadatey, wuxuu kusoo aadayaa labo todobaad kadib markii Al-shabaab weerar la beegsatey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Weerarkaas waxaa ku dhintey ku dhowaad 150 qof oo ardey u badnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan 200 oo qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM