Kenya: Somalia waxay kusoo laabatay wadada saxda ah

Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashadii ka dhacday dalka Somalia iyo qaabka madaxweynaha cusub xilka ula wareegay xilli uu saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ee xarunta waddankaas.

Uhuru, ayaa hambalyo iyo bogaadin usoo diray madaxweynaha la doortay isagoo qiray inay ahayd mid cadaalad ah oo dimuqraadiyad ku jirto.

Madaxweynaha Kenya, ayaa sidoo kale bogaadiyay qaabka uu xilka u wareejiyay Xasan Sheekh isagoo ku sifeeyay mid soo celisay rajada Beesha Caalamka iyo dadka Somaliyeed kuwaas oo muddo dheer sugayay Somalia oo cagaheeda isku taagta.

Dhinaca kale wuxuu arrimihii dhacay ku macneeyay mid u qabsoomay qaabkii loogu talo galay isagoo xusay inay daliil u yihiin sida Somalia ugusoo hagaagtay dhabada saxda ah.

“Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doorashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska kaashanayeen Ciidanka Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wadada saxda ah,” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Isagoo sii waramaya, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladda cusub ka dhabayso dhammaan howlihii looga baahnaa, wuxuuna guul u rajeeyay shacabka Somaliyeed oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Kenya, ayaa kamid ah wadama ciidamadu ka joogaan Somalia kuwaas oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM