​Kenya: Weerar lagu qaaday Kaniisad ku taal Koonfurta Mombasa

Image

MOMBASA, Kenya- Mallayshiyaad loo malaynayo inay katirsan yihiin kooxda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Kaniisad ku taala degmadda Likunda ee Koonfurta magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Weerarkaas ayaa lagu dilay labo kamid ah ciidamada Kenya oo ilaalinayay Kaniisadda ay ku cibaadaystaan dadka haysta diinta masiixiga.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka xeebta ku yaalla Larry Kiyeng  ayaa warbaahinta u sheegay in Afar nin oo hubeysan ay toogteen labadaas Askari kadibna ay ku baxsadeen Mooto.

“Mid ka mid ah Askarta la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobta, halka midka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka," Ayuu yiri Larry Kiyeng.

Wuxuu intaas ku daray inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka ay wax u dhaceen iyo cidda falkaas gaysatay halka ay ka yimaadeen.

"Baaris ayay wadaan Ciidamada ammaanka, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha toogtay Askarteena,” Ayuu warkiisa ku daray Taliyaha ciidamada Booliiska gobolkaas xeebta ku yaalla.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xoojiyeen baaritaannada iyagoo jid gooyooyin dhigtay waddooyinka laga soo galo magaalada Mombasa ee xarunta ganacsiga dalka Kenya.

Maaha markii ugu horaysa ee gobolkaas weerar lagusoo qaado goobo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan Booliiska, waxaana tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Somalia kordhay weerarada ka dhanka ah saldhigyada Booliiska kuwaasoo inta badan mas'uuliyadeeda sheegato kooxda Al Shabaab.

Ururka Shabaab kama aysan hadlin falkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM