Khasaaro ka dhashay dhul-gariir culus oo ku dhuftay Japan

Image
Dhul-gariirkan ayaa wadada ka leexiyay Tareen in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi.

TOKYO, Japan - Dhulgariir xoog leh ayaa ku dhuftay waqooyi bari Japan kaas oo sababay burburka in ka badan labo milyan oo guri iyo korontada oo ka go’day iyadoo walaac xoogan uu ka jiro in uu dhaco Sunaami.
 
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in meelaha qaarkood ay dadka dhib ku ahayd in ay istaagaan, guryahana ay aad u ruxmayeen.
Dhulgariirkan uu cabirkiisu ahaa 7.3 ayaa ka dhacay isla gobolkii 11 sano ka hor uu ku dhuftay dhulgariirkii dhaliyay musiibadii Mukleerka ee Fukushima.
 
Hay’adda saadaasha hawada ee Japan ayaa digniino ka soo saartay ayadoo laga cabsi qabo fatahaado Sunaami ah oo cabirkoodu gaarayo (3.3ft) in ay ku dhuftaan qaybo ka mid xeebaha waqooyi bari ee dalkaasi, halka warbaahinta maxaliga ah ay kasoo tabinayaan meelaha qaar mowjado gaaraya 20cm (0.7ft)
 
Sida ay sheegeen mas'uuliyiin kala duwan oo reer Japan ah, dhulgariirkan ayaa wuxuu dhacay marka ay saacaddu ku beegnayd 23:36 habeenimadii Arbacada.
 
"700,000 guri oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Tokyo iyo 156,000 guri oo ku yaalla dhanka waqooyi bari ayay markiiba korontada ka tagtay inkastoo guryo badan korontada ay dib u heleen," ayay sheegeen masuuliyiin ka mid ah kuwa korontada bixiya.

Sida ay warbaahinta sheegtay, dad gaaraya 100 qof ayaa ku dhaawacmay, 4 qofna waa ay ku dhinteen. Tiradan ayaa ah inta la ogsoon yahay illaa hadda, iyadoo wali ay socdaan baaritaanno la xariira khasaaraha ka dhashay dhulgariirka.
 
Nin ku nool magaalada Ishinomaki, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in uu kusoo kacay dhulgariir cabsi leh. "Waxaan maqlay dhawaqa dhulgariirka, intii aan cabsan lahaa ka hor, waxaan isla markiiba soo xasuustay dhulgariirkii ka dhacay bariga Japan,” asagoo kala jeeday musiibadii dhacday sanadkii 2011.

Dhulgariirkii 2011-kii ayaa wuxuu buruburiyay warshaddii nukleerka taas oo sababtay in ay shucaac badan soo sii deyso kadib markii uu ku dhuftay Sunaami xoog leh.

Waqooyiga magaalada Fukushima ayaa laga soo wariyay in uu dhulgariirka ka leexiyay wadada gaari tareen ah in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi.

Dhacdadan ayaa waxaa laga soo xigtay mid ka mid ah hawl-wadeenadda Tareenka. Ra'iisul wasaaraha dalka Japan oo la hadlayay suxufiyiinta ayaa sheegay in ay wali baarayaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dhulgariirka.
 
Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel aan aad ooga fogeyn halkii uu ka dhacay dhulgariirkii ugu xooga badnaa abid, kaas oo dilay 18,000 oo qof.
Goobtan ayaa u jirta 57km (35 miles) xeebta magaalada Fukushima oo ah halkii ay ka bilaawatay musiibadii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM