Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay afaafka garoon milatari

Image
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse ururka ISIL ayaa kordhiyay weerarada magaaladan.

KABUL, Afgaanistaan - Qarax ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee militariga ee caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ayaa geystay khasaare kala duwan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliban.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdul Naafi Takor, ayaa xusay in qaraxii uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo intaa ku daray in uu socdo baaritaan.

Ma uusan carabaabin nooca iyo bartilmaameedka qaraxa. Hase ahaatee, goobta ay wax ka dhaceen waa mid kamid ah meelaha ammaankooda aadka loo ilaaliyo ee gudaha Kabul.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qarax xooggan laga maqlay ka hor 8-dii subaxnimo (03:30 GMT) ee agagaarka garoonka diyaaradaha ee aadka loo adkeeyay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse ururka ISIL ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii Taliban ay dib ula wareegeen talada bishii Ogosto. 2021.

Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa ilaalada Taliban iyo xubnaha Shiicada laga tirada badan yahay ee Afgaanistaan kuwaasoo horey bartilmaameed ugu ahaa isla kooxda talada la wareegtay.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan shan qof oo Shiinees ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii kooxo xiriir la leh maleyshiyaadka ISIL ay weerareen hotel ay caan ku yihiin muwaadiniinta reer China ee ku nool Kabul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM