Khasaaro ka dhashay weerar lagu qaadey iskuul ku yaala Brazil

Image
Dableyga ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa arday hore kaas oo da'diisu tahay 20 ama 21 jir.

BRASILIA, Brazil - Gabar 16 jir ah ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Parana ee koonfurta Brazil, sidda uu sheegay maamulka magaaladda Cambe.

Ninka hubaysan, oo ahaa arday hore oo la rumaysan yahay in da'diisu tahay 20 ama 21 jir, ayaa Isniintii galay dugsiga Professora Helena Kolody si uu u soo saaro dukumentiyo.

Afhayeen u hadlay Thiago Mossini ayaa u sheegay Associated Press in uusan jirin tuhun laga qabay eedeysanaha iyo in uu horey u geystay fal-dambiyeed noocaan oo kale ah.

Ardayga dhaawacmay, oo 17 jir ah, ayaa weli ku sugan xaalad halis ah. Isbitaalka Jaamacadda ee Londrina oo lagu daaweynayo ayaa sidaas waxa uu ku sheegay bayaan fiidnimadii Isniinta.

Kooxda caafimaadka ayaa sheegay in iyada oo ay lagama maarmaan tahay in la dhigo qolka xaaladda bukaan-socodka ee bukaanku una oggolaan karin in loo qaado qolka qalliinka.

Aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah, Rodrigo Augusto, ayaa u sheegay shabakadda TV-ga Globo News horaantii Isniintii in rasaastu ay weli kaga taal madaxa wiilkiisa.

"Maanta waa dhalashadeyda. Caadi ahaan waxaan wada joognaa maalinta oo dhan maalinta dhalashadayda, ka dibna… maanta ma awoodin subaxdii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Augusto.

Brazil ayaa waxay wajahdey ku dhawaad tobaneeyo weeraro noocaan oo kale ah ama rabshado ka dhacay iskuulada tan iyo 2000, waxaana kala bar falalkan ay dhaceen 14-kii bilood ee la soo dhaafay, sidda xogta sheegeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM