Khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxyo gilgilay caasimadda Lubnaan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo xooggan oo ka dhacay dekadda caasimada Lebanon ee Beirut ayaa sababay burburka guryo iyo xarumo kale oo badan. Illaa haatan, lama ogga sababta dhalisay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxay xaqiijisay in boqolaal ruux ay ku dhaawacmeen dhacdadaan isla markaana tobanaan kale ay dhinteen, kuwaas oo qaarkood ku gudbtay qaraxa.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamay in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo muddo badan lagu kadinayey marsadda. Hase ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda.

Hassan Diab, ra'iisul wasaaraha Lubnaan, ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan isla markaana ay si dhab ah u soo bandhigi doonan cidda ka dambeysa qaraxa iyo sababta keentay.

Isagoo qaraxa ku sifeeyay "musiibo," Diab ayaa xusay caasimada aysan si sahal ah uga gudbi doonin "iyaddoo aan isla xisaabtamin" isla markaana "aysan mudankooda marin kuwa ka dambeeyay".

"Hadda waxaan ahmiyadda siin doonaa daaweynta dhaawacyadda iyo tirokoobka dhimashadda," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo aanan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha.

Qaar kamid ah dowladaha caalamka oo midnimo u muujiyey shacabka Lubnaan ayaa sheegay in ay ka qeyb-qaadan doonan gurmadka deg-deg ah isla markaana ay diri doonan daawooyin iyo agab kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM