"Boqol askari" oo lagu dilay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan

Image
Isku-dhacyadda kasoo dhex-cusboonaadey labadan dal ayaa salka ku haya gobolka Nagorno-Karabakh.

ANKARA, Turkey - Armenia iyo Azerbaijan ayaa sheegay in ku dhawaad ​​100 askari ay ku dhinteen Talaadadii dagaalkoodii ugu xumaa tan iyo sanadkii 2020-kii ka dhacay dhulka la isku haysto ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Mowjadihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda dhulka dadka Asarbayjaan ay deggan yihiin ee Armenian dooneyso ayaa ku dhamaaday xabbad joojin jilicsan oo uu soo abaabulay Ruushka.

Talaadadii, wasaaradda difaaca ee Baku waxay sheegtay "50 askari oo Asarbayjaan ah ay u dhinteen daandaansiga ballaaran ee Armenia", halka Armenia ay horay u sheegtay dhimashada ugu yaraan 49 ka mid ah askarteeda.

Asarbayjaan ayaa ku eedaysay Armenia inay jabisay xabad joojinta kadib habeen isku dhacyo ah oo soo cusboonaaday cabsida laga qabo dagaal kale oo dhan walba ah oo u dhaxeeya labadan dal ee isku ah cadow taariikhi ah.

Ruushka ayaa sheegay in uu xabad joojin kala dhex dhigey dhinacyadii dagaallamayay taasi oo keentay dhowr saacadood oo degganaansho ah, balse Asarbayjaan ayaa markii dambe ku eedaysay ciidammada Armenia in ay "si xooggan" u jebiyeen heshiiska.

Isku-dhaca yimid Talaadadii ayaa timid iyada oo saaxiibka ugu dhow ee Moscow - oo kumanaan nabad ilaalin ah geysay gobolka ka dib dagaalkii 2020 -- ay ku mashquulisay duullaankeeda lix bilood ka socda dalka dariska la ah Ukraine.

Qoomiyada Armenian gooni u goosadka ee ku nool waddanka Nagorno-Karabakh ayaa ka go'ay Azerbaijan markii Midowgii Soofiyeeti uu burburay 1991. Iska-hor-imaadyo xigay oo dhexmaray ayaa galaafatay ku dhawaad ​​30,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM