Ku dhowaad 30 kamid ah shaqaalaha UN-ka oo u dhintay Coronavirus

Image

NEW YORK, US – Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii waxay xaqiijisay in 28 kamid ah shaqaalaheeda ay u dhinteen musiibada safmarka Coronavirus.

Alessandra Vellucci, oo ah agaasimaha warfaafinta UN-ka, ayaa xusay in shaqsiyaadkaas ay kamid yihiin 1,140 qaadey xanuunka tan iyo 21-kii June.

Balse ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah gaar ahaan wadamadda ay u kala dhasheen iyo goobaha ay ku kala noolaayeen ee xanuunka uu ku haleelay.

Sidoo kale, ma uusan caddeynin hadii ay ku jiraan dad horey ula noolaa cuduro kale iyo da'da ay kala ahaayeen markii ay dhimanayeen.

Tan iyo markii caabuqa kasoo bilowday Wuhan, bartamaha Shiinaha, fayruska wuxuu dilay 474,600 oo u kala nool 188 wadamo iyo dowlad goboleedyo.

Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey in uu ku dhacay 9.18 milyan oo ruux, iyaddoo ay kasoo bogsadeen dad kor-u-dhaafaya 4.6 milyan oo ruux.

Dunida ayaa la daalaadhaceysa sidii ay u xakameyn lahayd faafitaan horleh oo xanuunka sameeyo, iyaddoo lasoo saareyo habraac gaar ah duulimaadyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM