Kuma Ayuu Ahaa Matthew Livelsberger, Askarigii Isku Qarxiyey Las Vegas?

Image

Las Vegas, NV – Askari ka tirsanaa Ciidanka Gaarka ah ee Mareykanka ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ku dhintay qarax ka dhacay baabuur nooca Tesla Cybertruck ah oo ku qarxay bannaanka Hotelka Trump International ee magaalada Las Vegas maalintii sannadka cusub. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in askarigan loo aqoonsaday Matthew Livelsberger, 37 jir degganaa Colorado Springs, Colorado.

Shir jaraa’id oo ay qabteen, Taliyaha booliska Clark County Kevin McMahill iyo saraakiil FBI ah ayaa sheegay in weli aqoonsiga Livelsberger uusan rasmi aheyn iyadoo la adeegsanayo baaritaan DNA, balse caddeymo ay tilmaamayaan in Livelsberger uu ahaa darawalka baabuurkaas.

Sida laga soo sheegay, ninka dhintey ayaa horay madaxa isaga dhuftay xabbad, taas oo saraakiishu rumeysan yihiin inay is-dil ahayd, ka hor inta uusan gaariga uu watey uusan qarxin. Booliska ayaa sheegay inay ka heleen bastoolad agtiisa iyo qori kale oo yaallay gudaha baabuurka, iyadoo sidoo kale laga helay baasaboorkiisa, aqoonsi ciidan, taleefan iPhone ah, iyo saacad smartwatch ah. Laba sawir oo sharaxaad ah oo ku yaallay jirkiisa ayaa sidoo kale muujinaya inay u badan tahay inuu yahay Livelsberger.

Qaraxa ayaa badanaa ka dhacey gudaha baabuurka, sida ay sheegeen saraakiishu. Kenny Cooper, oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Qaraxyada Mareykanka (ATF), ayaa sheegay in qaraxa uusan aheyn heerka khibradeed ee askarigan ku takhasusay ciidan gaar ah.

Baadhitaanka Safarka Gaariga

Baabuurka ayaa markii hore laga kireystay magaalada Denver, Colorado, 28-kii Diseembar, ka dibna soo maray New Mexico iyo Arizona, kahor inta uusan soo gaarin Las Vegas. Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in Livelsberger uu ahaa qofka keliya ee lagu arkay gaariga muddadii la daba socday.

Yaa Ahaa Matthew Livelsberger?

Livelsberger wuxuu ahaa sarkaal ciidanka ah, kana tirsanaa ciidamada gaarka ah ee “Green Berets.” Ciidankan ayaa ah kuwa si gaar ah u tababaran, oo la dagaallama argagixisada dibadda iyo inay caawiyaan dalalka saaxiibada la ah Mareykanka.

Wuxuu ciidanka ku biiray sanadkii 2006, waxaana uu ka howlgeli jiray xero lagu magacaabi jiray Fort Bragg oo ku taal North Carolina, halkaas oo ay ku sugan yihiin talisyada ciidamada gaarka ah. Intii uu ku jiray shaqadiisa, wuxuu laba jeer loo diray Afghanistan, sidoo kale wuxuu ka howlgeli jiray dalalka Ukraine, Tajikistan, Georgia, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Livelsberger wuxuu ku guuleystay laba billadood oo Bronze Star ah, mid ka mid ahna wuxuu ku helay geesinimo uu ku muujiyay dagaal. Sidoo kale wuxuu helay Biladda Geesinimada Ciidamada Mareykanka.

Wuxuu ku jiray fasax ciidan oo la oggolaaday sanad cusub ka hor. Toddobo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay markii gaarigu qarxay.

Shaki Ah Inuu Qaraxu La Xiriiro Weeraro Kale

Saraakiishu waxay sheegayeen in qaraxa laga yaabo inuu ahaa weerar argagixiso, inkastoo wali aan la helin sababta qaraxa. Waxaa baabuurka laga helay qalab qaraxyo fudud oo ay ka mid yihiin mortars iyo cannisters.

Qaraxa Las Vegas ayaa ku soo beegmay dhowr saacadood kadib markii nin kale oo gaari wata dad u dabaaldegayay sannadka cusub ku laayey magaalada New Orleans. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintey 14 qof ka hor inta aan ninkaas la toogan.

Weeraryahanka New Orleans ayaa loo aqoonsaday Shamsud-Din Jabbar, 42 jir, oo hore uga tirsanaa ciidamada Mareykanka. Waxaa la arkay calanka ururka Daacish oo lagu dhejiyay gaarigiisa.

Booliska ayaa weli baaraya haddii labada weerar xiriir leeyihiin. Inkastoo saraakiisha FBI-da ay yiraahdeen “wax xiriir cad lama helin” ilaa hadda, sheriff McMahill ayaa sheegay in aysan waxba meesha ka saarayn.

Labada nin waxay waqti ku qaateen xero lagu magacaabo Fort Bragg, balse ilaa hadda wax xiriir shaqo oo dhexdooda ah lama xaqiijin. Waxaa sidoo kale baaritaan lagu sameynayaa adeegsiga labada nin ee barnaamijka Turo si ay u kireystaan baabuurta weerarada lagu fuliyay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Myanmar oo sii deynaysa ku dhawaad ​​6,000 maxaabiis ah

Milatarigu waxa ay sheegeen in ay cafis u dalbadeen “sababo bani’aadanimo iyo naxariis leh”.

  • Caalamka

    04-01-2025

  • 07:43AM

Falastiini-Mareykan ah oo Ku Geeriyooday Weerarkii New Orleans

Aabbaha Kareem, Belal Badawi, ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida…

  • Caalamka

    03-01-2025

  • 08:35AM