Kumuu ahaa Askarigii USA looga dilay Somalia?

Image

WASHINGTON- Waaxda difaaca Mareykanka ayaa shaacisay magacaa Askarigii todobaadkii lasoo dhaafay Maraykanka looga dilay deegaanka Daarusalaam, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askariga waxaa lagu magacaabi jirey Kyle Milliken, waa 38 sano jir, wuxuuna katirsan yahay ciidamada gaarka ee Navy SEAL-ka, kuwaasi oo habeenkii khamiista ee todobaadkii hore weerar ku qaadey saldhig Al shabaab ku leeyihiin Daarusalaam.

Sarkaal aan magaciisa la sheegin oo katirsan Pentagon-ka ayaa u sheegay CNN in Kyle Milliken uu ahaa Askari darajadiisu sareysa, oo aad ugu xeel dheer howlgallada gaarka ah.

Kyle Milliken, oo ahaa aabe dhalay hal wiil, wuxuu kasoo qeybqaatey howlkii lagu dilay hogaamiyii Al Qaacida Osmana Bin Laden, oo ka dhacay dalka Pakistan bishi May, ee sanadkii 2011-kii.

Kyle Milliken oo ay weheliyeen Lix Askari oo kale kuwaasi oo diyaarad uga daatey deegaanka Daarusalaam, si ay u dileen hogaamiye katirsan Al Shabaab oo la sheegay inuu maleegayay weeraro ka dhan ah Saldhigyo Ciidanka Mareykanka iyo AMISOM ku leeyihiin Somalia.

Kyle Milliken wuxuu u joogay Somalia howlgal ah la talin uu siinayay ciidamada Somalia.

Labo Askari oo kale ayaa lagu dhaawacay howlgalka, kuwaasi oo uu ku jiro Turjumaan u  dhashay dalka Mareykanka, sida sarkaalka katirsan waaxda difaaca uu u sheegay CNN.

Dilka Kyle Milliken wuxuu noqonayaa  Askarigii ugu horeeyay oo dalkaas looga dilo Somalia tan iyo 1993, xilligaasi oo Muqdishu lagu dilay 18 Askari kadib markii labo Helicopters oo ay saarnaayeen lasoo riday.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM