Kuuriyada Waqooyi oo aflagaadeysay madaxweynaha Mareykanka

Image
Pyongyang ayaa si adag waxay u dhaleeceysay heshiiska milatari ee Washington iyo Seol

ISTANBUL, Turkey - Gabadha awoodda badan ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Yo-jong, ayaa aflagaado shakhsi ah u geysatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Yo-jong oo war-saxaafadeed ay soo saartey laga sii daayay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada dalkaas ayaa Biden waxay ku tilmaamtay "nin waayeel ah oo aan xisaabta saxi karin".

Haweeneyda ayaa la aaminsan yahay in ay tahay maskaxda ka dambeysa fariimaha dacaayadaha ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ee ay baahisay saxaafadda North Korea.

Dhanka kale, Yo-jong ayaa si weyn waxay u dhaleeceysay heshiis cusub oo dhowaan dhexmaray Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed kaasoo lagu xoojinayo ka hortagga Nukliyeerka.

"Dalkayga waxa uu soo bandhigi doonaa awoodiisa milatari si uu uga hortago cadaawada aadka u daran ee ay noo qabaan," ayay ku tiri nuqul kamid ah bayaanka uu sii daayay TV-ga Pyongyang.

Biden iyo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, ayaa qalinka ku jiidey heshiiskaas oo dhabaha u xaaraya in Washington iyo Seol ay laba-jibaaraan iskaashigooda dhanka ammaanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa in badan ku tilmaantay dhoolatuska militari ee Mareykanka uu si joogta ah ula wadaago Kuuriyada Koonfureed inuu yahay "daandaansi iyo isku-diyaarin dagaal Nukliyeer".

Wadahadallada Nukliyeerka ee u dhexeeyay Washington iyo Pyongyang ayaa fadhiid ahaa tan iyo 2019 kadib markii is-faham laga gaari waayay qaaditaanka xayiraadaha Mareykanka soo rogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM