Kuuriyada Waqooyi oo jawaabtii ugu adkayd siisay Maraykanka.

Image

Pyongyang — Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal nuuca is haga ee joogga hoose tijaabisay saakay oo Axad ah, sidaasi waxaa sheegtay Warbaahinta afka dowladda ku hadasho ee KCNA.

Hogaamiyaha dalka Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabadan, sida lagu sheegay warbixinta, taasoo ku tilmaantay tijaabo loo maray "Nidaamka hubka ee muhiimka ah."

Gantaalada istiraatijiga ah ee biyaha hoostooda ilaa dhulka dushiisa mari kara ayaa socday 1,500 kilomitir waxayna duuleen inta u dhaxaysa 7,507 iyo 7,511 ilbiriqsi ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkoodi, ayaa lagu yiri warka lagu daabacay KCNA.

KCNA waxay kaloo sheegtay maanta, in wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ay wacad ku martay in ay sameyn dootno ka hortag adag oo ka dan ah Mareykanka, ilaa iyo inta ay Washington diideyso bay yiraahdeen madax-bannaanida Pyongyang.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii wareysi uu bixiyay ku sheegay, inuu mar kale la xiriiri doono Kim, ka dib markii ay labada hogaamiye ay si fool ka fool ah u kulmeen muddo xileedki koowaad ee madaxweyne Trump.

Kuuriyada Waqooyi waxay wacad ku martay inay jawaab adag siinayso Mareykanka iyo xulufadiisa Kuuriyada Koonfureed kadib markii ay Ciidamadooda sameeyeen daan-daansi iyada ka dhan ah.

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM