Kuuriyada Waqooyi oo qaadey talaabo ay uga aargoosaneyso USA

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii Washington ay cunaqabateyn cusub kusoo rogtay Pyongyang.

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Kuuriyada Waqooyi ayaa Sabtidii xaqiijisay in ay tijaabisay mid kamid ah gantaalada balaastikada ah oo ay la timid tareen, taasoo loo arkayay aargoosi muuqata oo ka dhan ah cunaqabateynta cusub ee uu Mareykanka kusoo rogay.

Wakaaladda wararka KCNA ayaa sheegtay in dhoolatuskan uu ujeedkiisu ahaa "hubinta iyo qiimaynta aqoonta hab-socodka ficilka" ee gantaallada, iyadoo intaa ku dartay in labada gantaal ee la hagayay ay ku dhufteen bartilmaameed go'an oo ku yaalla Badda Bari.

Talaabadan ayaa timid saacado kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Pyongyang ay soo saartay bayaan ay ku cambaareysay cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay tijaabooyinkii hore ee Waqooyiga waxayna ka digtay tallaabo adag oo cad haddii Washington ay sii adkeyso “mowqifkeeda iska hor imaadka ah”.

Weli, khubarada ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay u baahan doonto sanado badan oo ay weheliso tijaabooyin badan oo guul leh iyo tijaabooyin dheer ka hor inta aysan helin nidaam hypersonic la rumeysan karo.

Dedaalo diblomaasiyadeed uu hogaaminayo Mareykanka oo ujeedadiisu ahayd in lagu qanciyo Kuuriyada Waqooyi in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka ayaa burburay 2019 ka dib markii maamulka Trump uu diiday dalabaadka Pyongyang ee cunaqabataynta weyn ee lagu soo rogay si loogu beddelo qayb dhiibista awoodeeda nukliyeerka.

Kim Jong Un ayaa tan iyo markii uu ballan qaaday inuu sii ballaarin doono hubka nukliyeerka ah ee uu si cad u arko inuu yahay dammaanad qaadkiisa ugu adag ee badbaadada, in kasta oo dhaqaalaha waddanku uu soo gaaray dib u dhac weyn iyadoo ay jirto xiritaanka xuduudaha ee la xiriira masiibada iyo cunaqabateynta joogtada ah ee uu Mareykanka hoggaamiyo.

Dawladdiisu ilaa hadda way diiday baaqii maamulka Biden ee ahaa in uu dib u bilaabo wadahadalka iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin, isaga oo sheegay in Maraykanku uu marka hore ka tanaasulo "siyaasad cadowtinimo" oo uu kula macaamilo Kuuriyadda Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM