Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal noociisa aan horey loo arag

Image
Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa si weyn u cambaareeyay talaabadda xukuumadda Pyongyang.

LONDON, UK - Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal loo maleynayo nooca riddada dheer ku riday xeebaha bari, sida laga soo xigtay Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ee deriska la ah, iyadoo Tokyo ay samaysay "mudaaharaad adag".

"Waqooyiga Kuuriya waxay ridday gantaal ballistic ah oo aan la garanayn," ayay Taliyeyaasha Isku-dhafka ah ee Seoul sheegeen aroornimada Arbacada maantaa h, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Ilaalada xeebaha Japan iyo wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ogaaday hubka, iyadoo ilaalada xeebaha ay sheegeen inuu ku duulay qiyaastii 550km (340 mayl) wuxuuna ku degay meel ka baxsan aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Japan abbaaraha 11.13am (02:13 GMT).

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadkan sare u qaaday dagaalkeeda, iyadoo Kim Yo Jong, oo ah walaasha awoodda badan ee Kim Jong Un, ay cambaareysay qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in marin biyoodka Nukliyeerka ah la geeyo biyaha u dhow gacanka Kuuriya,

Kim Yo Jong ayaa waxay ku hanjabtay inay soo ridi doonto diyaaradaha wax basaasa ka dib markii ay sheegeen in diyaaradaha sahanka ee Maraykanku ay dhawaan ku soo xadgudbeen hawadooda.

Xukuumadda Pyongyang oo aan caddeymo usoo bandhigin sheegashadeeda ayaa qaaday tijaabooyin hub ah oo is-daba joog ah iyadoo u muuqata inay casriyeynayso ciidankeeda.

Sannadkan, Kuuriyada Waqooyi waxa ay ridday gantaalkeedii ugu horreeyey abid ee isaga kala goosha qaaradda kaasoo ah ballistic (ICBM) waxaanay isku dayday in ay geliso dayax-gacmeedkii ugu horreeyey ee basaasnimo ee milatariga ah.

Dadaalkaasi wuxuu ahaa mid fashilmay balse mas’uuliyiintu waxay ballan qaadeen inay mar kale isku dayi doonaan si ay sare ugu qaadaan awoodooda dhanka milatariga.

Kuuriyada Waqooyi ayaa laga mamnuucay adeegsiga tignoolajiyada gantaallada ballistic-ga ah, oo ay ku jirto dayax-gacmeedka hawada, iyadoo ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay cunaqabatayn la xiriirta barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM