Kuuriyada Woqooyi oo mar kale kala qeybisay Golaha Ammaanka

Image
Quwadaha aduunka ayaa laba daraf kala noqdey xilli ay ka doodayeen qadiyad khuseysay Pyongyang.

NEW YORK, United States - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee kala qeybsan ayaa cambaareeyay Kuuriyada Woqooyi oo dhawaan ridday gantaalka ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba.

Balse, golaha ayaa waxa uu ku guuldareystay in uu soo saaro war-saxaaafdeed rasmi ah sababo la xidhiidha diidmada Shiinaha iyo Ruushka, sidda ay shaaca a dhigeen diblumaasiyiin.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Hindiya ayaa ka mid ahaa 14 wadan oo "si adag u cambaareeyey" Kuuriyada Waqooyi. Gantaalkan ayaa ku dhacay meel 200km (125 mayl) u jirta xeebaha Japan, waxaana la sheegay in uu gaari karo dhul weynaha Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan fulisay tiro aan horay loo arag oo gantaalaha ballistic-ga ah, taasoo cambaareyn iyo walaac ku abuurtay dalalka deriska ah iyo sidoo kale Washington.

Balse Pyongyang ayaa muddo dheer u cuksaneysa ridista gantaallada balaastikada ah ka hortaga waxa ay ugu yeertay khatar tobanaan sano jirsatay oo uga imaaneysay Mareykanka iyo xulafadiisa Kuuriyada Koonfureed.

Tijaabintii ugu dambeysay oo dhacdey Jimcaihii todobaadkii hore ayaa la sameeyay wax yar ka dib markii waddanku ka digay "jawaabaha militariga daran" ee Washington.

Muddo bilo ah, Mareykanka waxa uu Golaha Ammaanka ku riixayay in uu cunaqabateyn adag ku soo rogo Kuuriyada Waqooyi xilli ay qaadaysay tijaabado gantaallo ah.

Goluhu ayaa waxa uu meel mariyey ku dhawaad ​​toban qaraar oo cunaqabatayn xoogan oo lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqeeda nukliyeerka iyo gantaalada tan iyo 2006-dii.

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM